6th July 2022  admin  Category :

Garoowe: 13 January 2022: Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa caawa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Guddiga KMG ah ee Doorashooyinka Puntland (TPEC), Kulanka ayaa looga hadlay dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Qardho, Ufeyn iyo Eyl iyo sidoo kale dardargelinta Doorashada in laga qabto degmooyinka kale ee Puntland.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoonka cusub ee Guddiga Doorashooyinka TPEC, Guddoomiye Mudane Cabdirisaaq Axmed Saciid , Guddoomiye Ku-xigeen Mudane Cali Jaamac Faarax, xubnaha kale ee Guddiga

iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. iyo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Shirkii Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda Puntland, Iyadoo Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni faray dhammaan Hay’adaha Dowladda in Guddiga Doorashadda lagala shaqeeyo dhameystirka nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo laga wada hirgelinayo dhammaan degmooyinka Puntland.

May be an image of 6 people, people sitting, people standing and indoor
May be an image of 3 people, people sitting, people standing, headscarf and indoor

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*