29th March 2024  admin  Category :

Guddiga Kheyraadka Aqalka Sare oo ka hor-yimid xilliga la bixinayo Shatiyada baloogyada shidaalka

Guddoomiyaha Guddiga Kheyraadka ee Golaha Aqalka sar ee Baarlamaanka Soomaaliya Senator Ilyaas Cali Xasan ayaa ka soo horjeestay go’aanka Wasaaradda Batroolka iyo Mcadanta ku dhawaaqday ee ahaa in la bilaabayo bisha Agosto shatiga lagu bixinayo 7 baloog oo ah goobaha laga helay shidaalka.

Todobada Baloog ee shatiyadooda la bixinayo bisha Agosto ayaa ku yaala maamul goboleedyada, Galmudug, Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle.

Senator Ilyaas ayaa sheegay in guddiga kheyraadka Aqalka Sare uu arrinkan uga soo horjeedo sabab muuqata oo uu ku sheegay qiima dhaca aadka u weyn ee ku yimid Shidaalka caalamka iyo saameynta caalamiga ah ee Coronavirus.

“Iib-geynta Shidaalka Somalia xiligaan oo uu aduunku maraayo qiimihiisa meeshii ugu xumeed oo ah yaa iga qaata iyo aduunyada oo la daalaa dhaceyso dhibatada Coronavirus ka waxay tusaale utahay qorshe xumada iyo kala sareysiinta muhiimadaha dalka xiligaan adag”ayuu yiri Senator Ilyaas.

Xukuumadda oo uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa si weyn ugu howlaneyd qorshaha shidaal baarista Soomaaliya, iyadoo juhdi badan ku bixisay sharciga shidaalka oo Xukuumadda si degdeg u soo diyaarisay una meel marisay, iyadoo Baarlamaanka labada Aqal ay ansixiyeen, isla markaana Madaxweynuhu saxiixay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*