29th March 2024  admin  Category :

Guddiga Farsamada Ee DF Iyo M/Goboleedyada Oo Guddoomiye Doortay

Guddiga Farsamada ee ka socda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir oo Maanta oo Isniin ah gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa doortay guddoomiye.

Guddigaan oo ka kooban 14-xubnoo ayaa waxaa Baydhabo uga furmay Shir looga hadlayo qodobada la isku mari waayay ee sababta u noqday fashilka shirkii Madaxda ku yeesheen Magaalada Dhuusamareeb, waxaa Xubnaha Guddiga Farsamada ee ka socda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa u doortay Shir Guddoon Wasiirka Dastuurka Saalax Axmed Jaamac.

Cabdi Cali Raage oo ah La Taliyaha Farmaajo oo gelinkii hore ee maanta ka soo muuqday kulankii Guddiga Farsamada ee Baydhabo ka furmay, oo ah ninka hurda ayaa caawa laga saaray shirkii Xubnaha Guddiga Farsamada.

Puntland iyo Jubaland,ayaa ku adkaystay in laga saaro Shirka Cabdi Cali Raage,maadaama uusan ka mid ahayn Xubnihii magacawnaa ee laysla ogaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*