28th March 2024  admin  Category :

Guddiga doorashada Madaxweynaha J.Federaalka Soomaaliya oo soo saaray waqtiga ay dhaceyso doorashada

Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Muqdisho waxa ay ugu horeyn ku doorteen in uu guddoomiye u noqdo Xildhibaan Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, halka ku xigeen loo doortay Xildhibaan Cabdulaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana xoghayaha guddiga loo doortay Xildhibaan Drs Maryan Axmed Haaruun.

Doorashada kadib ayay guddiga waxa ay guda galeen ka doodista jadwalka doorashada Madaxweynaha JFS, iyadoo dood dheer kadib ay soo saareen hanaanka doorashada ay u dhaceyso iyo waqtiga rasmi ah oo ay noqoneyso 08-Febraayo ee sanadkan 2017-ka.

No automatic alt text available.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*