26th July 2024  admin  Category :

Rooble oo kulan deg-deg ah isugu yeeray guddiga doorashada Dirta Waqooyi

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaliya Maxamed Xuseen rooble ayaa kulan degdeg ah waxa uu isugu yeeray xubnaha Gudiga doorashooyinka Dirta Waqooyi.

Kulankan oo ka dhici doona xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble ayaa waxaa lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay xafiiska wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha iyadoo lagu soo koobay ujeedada kulanka inuu yahay mid muhiim ah.

Hase yeeshee afhayeenka xukuumada federalka ayaa sheegay in ra’iisul wasaare Rooble uu dhamaystirey la tashiyadii uu la lahaa Guddoomiyaha Aqalka sare iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka.

Khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta Dirta Waqooyi ayaa aad u sii xumaaday iyadoo aysan jirin illaa hadda heshiis labada dhinac ay gaareen.

rooble oo kulan deg-deg ah isugu yeeray guddiga doorashada gobolada waqooyi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*