26th July 2024  admin  Category :

Guddiga badbaadinta doorashooyinka murashaxiinta beelaha Hawiye oo guddoomniye doortay

Guddiga Badbaadada Doorashooyinka Qaranka ee ay magacaabeen Midowga Musharaxiinta beelaha Hawiye ayaa maanta shirkooda u horreeyay ku yeeshay Hotelka Jazeera ee magaalada Muqdisho.

Guddigan oo ka kooban 28 xubnood ayaa min labo xubnood waxay uga yimaadeen Midowga Musharaxiinta ee ka kooban 14 Musharax.

Shirka Guddigan ayaa waxaa ka dhed muuqday Wasiirkii hore ee Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan.

Guddigan ayaa waxay isla dhex doorteen shir guddoon, Guddoomiye, Guddoomiye kuxigeen iyo Xogheyn.

Yuusuf Xasan Mursal ayaa loo doortay Gudoomiyaha gudiga badbaadada doorashada qaranka, Guddoomiye ku-xigeen waxaa loo doortay Cabdullaahi Maxamed Aadan, Xoghaye,  Cabdifitaax Maxamed dhicis  iyo Afhayeenka oo loo doortay Cabdullaahi Cadi Maxamed (Telephone ).

Afhayeenka iyo guddoomiyaha Guddiga Badbaadinta Doorashooyinka Qaranka oo saxaafadda la hadlay kulanka kadib, ayaa caddeeyay howlaha hor-yaalla oo laga doonayo inay qabtaan, iyagoo sheegay inay qaban doonaan doorasho xor ah oo waqtigeeda ku dhacda.

.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*