26th July 2024  admin  Category :

Fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada Dawladda Puntland oo uu shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Mudane Gudomiye Cbadirashiid Yuusuf jibriil o ay wehliyaan, ku xigeenka 1aad Hon. Cabdicasiis Cabdulaahi Cismaan iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame.

iyo ku xigeenka 2-aad Mudane, Ismaaciil Maxamed Warsame. Fadhiga oo Ajandihiisu ahaa La Xisaabtanka Golaha Xukumadda ayaa waxaa maanta hor-yimi masuuliyiinta Wasaaraddaha kala ah;1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federalka iyo Dimuqraadiyeynta DPL 2. Wasaaradda Cadaaladda, Arrimaha Diinta, Dastuurka iyo Dhaqancelinta DPL3. Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska DPL4. Wasaaradda Amniga & DDR-ta DPL5. Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hidaha, dhaqanka iyo Dalxiiska DPLWasaaraddaas oo isku ah Wasaaraddaha Amniga Iyo Arrimaha Gudaha ayaa ugu horeyn waxaa Warbixintooda si guud u soo jeedisay Marwo Aamina Cismaan Xaaji, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dawladda Puntland, Wasiiradda ayaa ka warbixiyey shaqooyinka Wasaaraddaha, qorshayaasha u degsan iyo waxyaabaha u qaab-soomay.

Intaa ka dib, Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL ayaa su’aalo ka weydiiyay arrimaha ay ka hadleen Wasiirada Wasaaradaha sida uu qabo Dastuurka Dawladda Puntland Qodobkiisa 64-aad farqadiisa 17-aad iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada DPL Qodobka 3-aad farqadiisa 17-aad.Maalintii 2aad ayey Xildhibaannada Golaha Wakiillada DPL waxay waddaan La-Xisaabtanka Golaha Xukumadda taas oo qeyb ka ah shaqooyinka Golaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*