26th July 2024  admin  Category :

Murashaxiinta mucaaradka ah waxay marar badan ku soo celceliyeen in dawladda ay soo badasho guddiga doorashada oo ay dawladda soo magacaabatay, waxeey mucaaradka cabashadooda ku sheegeen in guddigaas ay ku jiraan xubno u shaqeeya dawladda. Dhinaca kalle, dawladda waxeey ku adkeeysaneeysaa in aan waxba laga soo beddaleeyn guddigaas ay soo magacaabatay.

Hadaba ma tahay wax la isku qabsado oo dalka oo dhan loo geliyo xasilooni daro siyaasadeed? Ma tahay wax u qalanta in beesha caalamka loogu habar wacdo? Arrintan waxaan u kalla qaadeeynaa labba dhinac:

Farmaajo iyo Rooble waxeey samayn kareen ineey soo beddalaan guddiga, ayna keenaan dad aan dawladda u shaqeeyn, balse taageersan dawladda fakirkeeda; taas waxeey keeni laheeyd in sheekada oo dhan ay halkaas ku soo gabagabawdo, loomana baahdeen beesha caalamka dhexdhexaadinteeda iyo shirarkan faraha badan ee socda.

Murashaxiinta mucaaradka marna ma aysan aheeyn in ay waqtiga iskaga lumiyaan guddiga ay soo magacwday dawladda sababtoo ah guddigaas ma ahan kuwa soo xullaya xubnaha baaralamaanka ee ka imanaya maamul goboleedyada, mana ahan guddi awood u leh in ay cid gaar ah hadiyad u siiyaan xubnaha baarlamaanka oo ay beelaha soo magacawdeeyn. Sababtaas darteed ma jirto sabab waqtiga la isaga lumiyo.

Hadaba waxaa xaqiiq ah in xubnaha baarlamaanka ee soo socda ay intooda badan codka siin doonaan cidda siisa lacagta ugu badan, mana noqon doonaan kuwo xittaa codka siiya qabiilkii meesha keensaday. Si kastaba ha ahaato, waxaa qalad ah in la isku qabsado, waqtigana la iskaga lumiyo guddi aan doorashada ku yeelan karin wax saameeyn ah.

Doorashaddii dhowaan ka dhacday Maraykanka intaanay qabsoomin ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump waxa u magcaabay maxkamadda sare sadex qof oo u arkayey inay ka taageeratyaan inuu mar kale ku soo laabto hogaanka dalka Maraykanka, Kuwaas oo kala ahaa Amy,Coney Barrett, Brett Kavanaugh iyo Neil Gorsuch. Trump wuxuu sameeyey xaalad abuur iyo in doorashaddii looga adkaaday uu diido natiijadii ka soo baxday , si arintu u tagto maxkamadda sare oo asxaabtii uu magcaabay ugu taageeraan Inqilaabkiisa iyo la diido codadka dadka Madow magaalooyinkii ay ku badnaayeen . Maalintii shalay xitaa waxay diideen qaadiyaddii uu u magcaabay maxkamadda sare inay dacwadda furaan iska daa inay dhegaystaan.

Ugu danbayntii Guddi la magcaabay oo aan awood badan lahayn, marka ay doorashadu timaadona hal qof oo beeli soo dooratay uu u codaynayo qofkii uu doono , ma ah wax wanaagsan in khal khal siyaasadeed dalka loo geliyo ama beelaha laysaga hor keeno.

Allsanaag.com

One thought on “Guddi la magcaaby miyaa dalka loo burburinayaa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*