26th July 2024  admin  Category :

Hoos ka akhriso fariin ka timid madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas

Bismillah

Waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka Puntland ee qiimaha badan ugu bishaaraynayaa in maanta inoo rumowday mid ka mid ah hiigsigeenii dhisida Kaabayaasha Dhaqaalaha.

Dadaal dheer oo aan u galnay ka mira dhalinta dhismaha Jaamacada Maakhir ee Puntland, waxaa si guul ah inoogu soo gaba gaboobay wajigii koowaad ee dhismaha Maakhir University oo loo dhisay qaab caalami ah. Dowladda waxay dadaal dheer u gashay hamsami socodka iyo musuq ka illaalinta mashruucan si uu u noqdo mid guul kusoo dhamaada.

Jaamacadda  Maakhir oo loo dhisay hab casri ah ayaa ka mid noqon doonta Jaamacadaha uga waa wayn bariga Afrika, waxaana rajaynayaa in qayb wayn oo lixaad leh ay ka qaadan doonto haqab tirka baahida waxbarasho ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaana Puntland.

Ugu danbayn, waxaan shacabka qiimaha badan ee Puntland ugu baaqayaa inay dhexda u xirtaan dib udhiska dalkooda ayna ka fogaadaan waxkasta oo dhaawici kara horumarka dalka ka socda sidoo kalena ka fogaadaan dacaayadaha raqiiska ah ee inta samaha neceb.

Mahadsanidiin.

Farxiya Cabdulqaadir Msha allh waa wax lugu farxo
Mudane sii wad horumarkaSee More

Sawirada uu madaxweyne Gaas ku daray qoraalkiisa waa kuwa aad hoos ka daalacan doonto

https://allsanaag.com/halkani-waa-badhan-sanaag-puntland/

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*