27th April 2024  admin  Category :

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa xil ka Qaadis ku Sameeyey Taliyeyaashii Booliska iyo Nabadsugida.

Kulan deg deg ah oo Golaha Wasiirada ku yeesheen Xarunta Madaxtooyada ayay isku raaceen in xilalka ka qaadeen Taliyaha Booliska C/xakiin Daahir Saacid iyo Taliyaha NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xilalkooda sii haye looga dhigay Kuxigeenadooda, inta laga soo magacaabayo Taliyeyaal cusub.

Arrintan ayaa ka dambeysay kaddib markii labo todobaad gudahood uu magaalada Muqdisho ka dhacay labo weerar oo dad badan lagu laayay, iyadoo kii ugu dambeeyay xalay lagu qaaday Hotelka Naasahablood Labo.

Xil ka qaadistan ayaa ka dhigan in Madaxda dowladda ay qaadeen tallaabooyinkii laga filayay ee ahaa in wixii ka dhacay magaalada Muqdisho ay mas’uuliyadeeda cid qaadaan, isla markaana lagula xisaabtamo laamaha ammaank

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*