26th April 2024  admin  Category :

Qurbaawi  iyo ninkii Dhakhtarka sheegtay ee  Badhan joogay  maxay isaga mid yihiin?

Nin magaciisa ku sheegay Dr. Daahir, oo  dhawaan warbaahinta Soomaalida la hadlayey ayaa sheegay inuu yahay Dhakhatar ka howl gala Cisbitaalka degmada Badhan. Ninkan Dhakhtarka sheeganayey  ayaa shacabkii  mudaharaadayey ee xabbadda lagu furay wuxuu ku sheegay inay ahaayeen askar laga dhaawacay Ciidanka Puntland. Dhacdaddii dadkii mudaharaadayey lagu xabadeeyena wuxuu ka dhigay inay ahayd dagaal dhex maray Puntland iyo Somaliland, dagaalkana looga adkaaday Puntland.

Hadaba waa ku ma ninkan dhkhtarka sheegtay oo ka howl gala Cisbitaalka degmada Badhan

Daahir maaha Dhakhtar, waa dilaal iyo shaqaale ka tirsan dawladda hoose ee degmada Badhan, wuxuu ka soo jeedaa beesha Reer Saalax ee Warsangeli. Wuxuu ka mushahaar qaataa dawladda Puntland. Markaan muuqaalka kore soo gelinayey mid ka mid ah akhristayaasha Allsanaag ayaa qoraalkan kooban noo soo diray

” Sxb
Adiga laftooda ma fahmin sheekadaan
Wariyaha ayaa la og ninka uu wareysanaayo mana Ahan nin meesha jooga waa nin taleefon lagu wacay
Wariyuhu wuxuu Ka dhigayaa hawl wadeenada c isbitaalka laakiin isaga ayaa is kanshifay oo wuxuu yiri Mar aan isbitaalka soo eegay Sidoo kale markuu puntland sheegayo wuxuu yiraahdaa qolyahan puntland iyo kuwan puntland
Adiga laftaadu sheekada fahan
Waa sheekadii naagtii tiri intey tilifoonka soo dirtay alshabaab baa halkan Maray oo 80 nin bey ahaayeen waana nimankii after urur weerarka ku qaaday
Marka sxb adiga laftaadu baro sida xaalad loo abuuro

Qurbaawi, waa nin ka soo jeeda Beesha Nuux Cumar ee Warsangeli, marna kama mid ahayn ururka xaq u dirirka ah  ee SSB . Laakiinse wuxuu ka mid yahay Urur dhowaan la sameeyey oo ay hogaamiso Caasho Axmed Cabdale oo haya jidkii uu Cali Khaliif u maray inuu Caynabo iska dhiibo. Si umadda jaahwareer iyo khalkhal loogu rido Qurbaawi iyo kooxdiisu waxay sheegtaan Ururka SSB

https://youtu.be/xwW1Nmy-jKc

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*