28th March 2024  admin  Category :

Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, ayaa si cad uga hor yimid in Gobolka Hiiraan uu  la mid noqdo Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu  aqalka sare ka helo Afar Xildhibaan. Halka Isimada beesha Warsangeli ee degta Gobolka Sanaag  ay hawada u mariyeen hanbalyo  markii maamulka Puntland uu kala mid dhigay  beela Cismaan Maxamuud iyo Cali saleebaan ee kala  dega Qandala iyo Qardho, oo midkiiba  hal Xildhibaan ka helay aqalka sare , Degmada Qardho iyada waa ka duwan tahay degmooyinka kale oo labo Xildhibaan ayeey  aqalka sare ka heshay  mid ka soo jeeda Beesha Janbeel iyo mid ka soo jeeda beesha Cismaan Maxamuud, Degmada Dhahar oo ay deris ka  yihiin dhinaca bari  degmada  Qardho,  iska daa inay Xildhibaan helaane  xitaa tartankii looma ogolaan inay ka soo qayb galaan.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*