26th July 2024  admin  Category :

Go’aamadii Shirkii 1992 ee Hadaaftimo ee Warsangeli. Dhulbahante ma Bedeli Doonaan Istataraatijigooda? Sidee Daraawiishta iyo Reer Maakhir isaga Wada Jiri Doonaan Dabinada Qarsoon ee Isaqland u Wada Dhigayaan? Daraawiishta in Puntland Looga Dhigo Cadaw Yey Dani ugu Jirtaa?

{Allsanaag} Reer Maakhir Shirkoodii ka dhacay magaalada Hadaaftimo intii u dhaxaysay 27/09/1992 ilaa 30/09/92, ee uu gudoominayey Alla ha u naxiirstee Suldaan Cabdisalaan, waxay ka soo saareen go’aamo cad oo ay maamul ku sameysteen iyagoo ka hortagayey sheegashadii Isaqland. Si taa loo adkeeyo waxa Gudoonka Suldaanka iyo Ardaaga Odayaasha Warsangeli isla gaareen xilligaa in deegaanka Maakhir lagu soo rogo xaalad degdega.

Wuxuu ahaa shir lagu caddeeyey in Reer Maakhir aaney marna ka mid ahayn “Isaqland” oo inta dawlad Soomaaliyeed dhalaneyso ay ku sii hoos jirayaan maamulkooda. Iyagoo Reer Maakhir sidaa adag u diidan in Isaqland in dhulkooda sheegtaan ayey markii dambe waxay wax ka aasaaseen Maamulka Puntland oo ka mid noqdeen. Hadda Reer Maakhir waa Reer Puntland. Siday 1990s, iyadoo Puntland aaney jirin, ay Reer Maakhir mar kasta uga mideysnaayeen ka hortaga Isaqland ayey haddana, iyagoo garab adag oo Puntland ah ka mida oo ku tiirsan, uga mideysan yihiin ka hortaga Isaqland. Reer Maakhir kuma dhici doonaan oo waa og yihiin siyaasada munaafaqadeysan iyo debinka maleegan oo Isaqland dhigayaan oo ah iney dab, is-nacayb , kala-fogeyn iyo isku-dir ka dhex abuuraan Reer Maakhir dhexdooda ama Reer Maakhir iyo Puntland inteeda kale si ay Reer Maakhir iyagoo dhexdooda is-haya ama cidla taagan oo Puntland ka baxay ay markaa weerar ugu soo qaadaan.

Qodobadii “Shir Guuleed” ee 1992 waa kuwa halka hoos ku qoran. Suldaanka Guud, Alla ha u naxiriistee Suldaan Cabdisalaan Suldaan Maxamuud Suldaan Cali-Shire iyo dhamaan Cuqaasha Warsangeli ayaa saxiixday.

Kuwa fara ku tiriska ah ee u dhashay Warsangeli ee Isaqland dantooda u tagay waxay ka hor imanayaan go’aamadan Warsangeli. Kuwaasi waxay kaloo ka horimanayeen go’aamadii Warsangeli  kaga mid noqdeen Puntland. Shakhsiyaadkaas Hargeisa tegay iyagaa dantooda u shaqa tagay. Haddii ay maamulka Hargeysa ku daneystaan oo beenta Maakhir baanu metelaa wax kaga cunaan waa mid tilmaameysa fiira yarida maamulka Isaqland. Laakiin adduunka iyo Soomaalidu waa iney ogaadaan dhawrkaa shakhsi inaaney marna metelin REER MAAKHIR. Warsangeli midnimada Soomaaliyeed bay u taagan yihiin iyagoo ka mida xilligan Puntland.

Nacabkaygaan aragnay

Is ilaaliyaan baranay

Aayaha dhulkaan fahamnay

Dad is aaminaan noqonay

Isku uursan baan noqonay

Isku  aaba aan noqonay

Allahayow ….

Dhulkayaga Maakhir

ee Puntland amaankiisa

Nin uu eedo ka ilaali

Islaami soocan baan nahay

Eebooy Allahayow

Adiguna na taageer

Ilaahoow

Awoodayadaan garanay

Imtixaan haddaan ka baxnay

Ikhtiyaarkayagaaan soconay

(Adoonsiga qabiileysiga ee “Isaqland” iyo gardaradooda Reer Maakhir mar kasta waa ka dagaalami doonaan. Ikhtiyaarkooda iyo xornimadooda qabiil “Somaliland” ugu soo gabanaya ma ogolaan doonaan inuu soo fara geliyo. Qof kasta oo miyir qaba oo fekeraya oo Reer Maakhira ama Dhulbahante ah marna ma aha in ay “Puntland” iyo Isaqland is barbardhigaan iyadoo xitaa aynu ognahay iney jirto tabasho iyo saluug Maamulka Puntland laga tirsanayo. Maamulku waa yimaadaa oo waa tagaa. Wixii dadka Puntland soo dhex gala iyagaa wada dhashay oo tola oo ay u taalaa iney xal u raadsadaan laakiin waa gunnimo iyo cawaaqib xumo oo marna ma aha in ay dhacdo in taa darteed “Somaliland=Isaqland” lala simo.  SOOMAALIYA ha noolaato!!! Gooni u goosashada qabiilka, qabyaalada iyo naceybka ku saleysani ha dhacdo!!!)

 

Go’aamadii Hadaaftimo iyagoo pdf ah halka ka akhriso

Reer Maakhir Sameynta Puntland Ka Hor Kama Mid ahayn Somaliland-Akhrista Shirkii Hadaaftimo ee 1992

Shirkii Hadaaftimo Warsangeli Maakhir 1992

Shirkii Warsangeli 1992 ee Hadaaftimo

3-1992

 

4-1992

 

5-1992

 

1992 Last

 

hadaaftimo Puntland Somalia

 

Dhulbahante xaaladan degdega oo xilligaa Warsangeli galay baa haboon in ay hadda galaan si Isaqland looga xorreeyo Laas Caanood iyo dhulka kale.  Maadaama Isaqland dhulka ay heystaan iyagoo xeelad ahaan u keena dabadhilifyo tira yar oo ina la dhashay goobahaa, waa caqli daro in lagu dhaco dabinka Isaqland oo ah in ay Dhulbahante gees ula baxaan si ay keligood cududooda u jebiyaan. Dhulbahantaha raba inuu gooni ugu baxo, ha ogoodo waa siday Isaqland jecel yihiin oo debinkoodii buu ugu dhacay. Kuwa maanta ina la dhashay oo Laas Caanood iyo meela kale iska dhigaya iney qabsadeen xitaa carruurtaa og iney maqaar saar lagu adeegto yihiin.

Laakiin waxa hadda muuqata in Daraawiishtu arkaan in aaney istiraatijiyad iyo xeel dheeri ahayn in ay garabka walaalohood ka baxaan oo u sahlaan qorshaha-duminta ee ay Isaqland dejiyeen. Adduunka, iska daa dadka kula dhashee, siyaasiyan waxa xulafeyso iyo isgaashaanbureysi laga doontaa shisheeya aan kula af iyo diin ahayn markay xaalad adagi timaado. Waa la yaaba, dhib kasta iyo wax kasta ha la kala tirsadeee,  in qof xaalad adag ku jiraa dadkii walaalihiisa ahaa ee uu garabka ka helaa in uu la simo kuwii weerarka dhulkooda ku ahaa. Adduunku waa giraan oo waa hubaal in Daraawiishtu maalin dhow ciidooda Isaqland ka xoreyn doonaan iyagoo dib u eegaya istaraatijayadii dabinka aheyd oo loo dhigay iyo iyagoo guud ahaan wax ka bedeli doonaa sida hadda xaalku yahay ee lagu socdo.

Waa in Reer Maakhir gartaan in markii Daraawiishta ay Isaqland sidii neef baadiya ka soo takhulusaan in iyagu ku xigaan. Ogaada waa la idinku soo socdaa Reer Maakhirow oo Laas Caanood waxa ka jiraa beri ayuu Laas Qoray ka dhici karaa. Istaraatijiyada Isaqland baa ah hadda Dhulbahantaha xooga badan jilci oo duley ka dibna ku xeji Warsangeli oo sidaa oo kale u gal.

Sida qabaa’ilka Isaqland ee Isaaq ay dhamaan iyagoo wada jira gardarrada ugu soo duulayaan dhulka Puntland ee Dhulbahante iyo Warsangeli, waxaa waajib ah in Puntland iyaduna iney Isaqland si wadajir ah uga hortagaan gardaradoodaa. Reer Puntland wax weerari maayeen oo waxay ku jiraan difaac iyo joojinta gardaradaa Isaaqu wadaan. Waa la ogyahay qolodaa Isaqland oo qabyaalada darteed Soomaali uga go’aya in aanay Garoowe iyo Boosaaso, oo laba talaabo u jira xad beenaadka ay sheeganayaan, aaney ka badbaadi doonin haddii aan hadda qori lagaga hortegin beentan ay sheeganayaan.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*