27th March 2024  admin  Category :

Taliyaha guud ee ciidanka xooga Soomaaliya Cabdiweli Jaamac Gorod oo ay weheliyeen saraakiil ka socota wasaaradda gaarshaandhiga Soomaaliya ayaa maanta kormeeray xerada 54aad ee ciidanka xooga Soomaaliyeed ee Puntland.

Kormeerka ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ahaa taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland iyo taliska qaybta 54aad oo dhammaan oo ay ku sugnaayeen  ciidankii dowladda Puntland ku wareejisey wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Taliyaha guud ee ciidanka difaaca dowladda Puntland General Siciid Maxamed Xirsi ayaa bogaadiyey taliyaha iyo dedaalada uu kumidaynayo ciidanka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Puntland ay mar walba ka shaqaynayso dhismaha Soomaaliya.

Dhanka kalena, taliyaha ciidanka xooga Soomaaliya ayaa ammaanay ciidanka Puntland iyo dagaalka ay kula jiraan kooxaha nabad diidka ah, wuxuuna balan qaaday inay ka shaqayn doonaan sidii ay xuquuqdooda ku heli lahaayeen.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*