26th July 2024  admin  Category :

Geerida Allah ha u naxariistee  Daahir Xaaji Geele.

Allah ha u naxariistee Xildhibaan Daahir Xaaji Cabdulaahi Faarax Shirwac maalimihii ugu danbeeyey noloshiisa,  isaga oo aaminsanaa in geeridu xaq tahay ayuu ka wel welsanaa in dadka qaarkiis ay dhibaato u gaystaan .

Allah u maxariistee marxuumku maanta  wuxuu ahaa nin caafimaad qabay  oo howl maalmeedkiisii kaga xirnaa magaalaada Garowe ka  soo dhamaystay, Goor ay fiidkii ahayd  ayuu yimid huteelkii uu kaga jiray magaalada Garowe,  isaga oo ay wada socdaan walaakiis wuxuuna halkaa ku cunay cunto Sugaar ah. Cuntaddii uu afka ku hayo ayuu bilaabay matag iyo inuu xanuunsado. Saacad ka dibna wuxuu ku geeriyooday  Cisbitaalka Garowe.

Hadaba Wasaaradda caafimaadka Puntland iyo Cisbitaalka Garowe waa in sababta uu Xildhibaanku sida deg dega ah ugu dhintay ay baaritaan dhab ah ka sameeyaan.

Haadaanu nahay bahda Allsanaag waxaan tacsi u diraynaa qoysasaka Reer Xaaji Geele iyo reer Cumar Saalah Cawl. Marxuumkana  Allah waxaan uga baryeeynaa denbi dhaaf.

Allah ha u naxariistee Xildhibaanku wuxuu ka soo jeeday labada Qoys ee ugu caansan magaalooyinka  Dhahar iyo Badhan. Aabihiis Allah ha u naxariistee Xaaji Geele  wuxuu ahaa ganacsade iyo Oday Soomaaliyeed oo laga wada yaqaanay Bariga Soomaaliya. Hooyadiisna  Allah ha u naxarsiitee Faadumo Cumar Saalax Garaad Cawl, iayaduna waxay ka soo jeeday qoyska haya Saldanada  Maakhir. Yaraantiisii waxay deris ka wada  ahaayeen magaalada Buraan oo sakad wada deganaayeen Ilahaay ha u wada naxariistee dhamaantood  Caaqil Cisamaan Awaare, caaqil Maxamed Qoobeey Oday Maxamuud Xasan  oo dhalay  Cali Ceelaayo iyo Oday Jamac faarx. Dhamaantood waxay ahayeen guurtidii beesha Maakhir.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*