26th July 2024  admin  Category :

Gawaaridii ugu horaysa ee ka timid degaanada looga shakisan yahay argagixisada ayaa lagu baarayaa magaalada Gaalkacayo ee xarunta Gobolka Mudug, Puntland

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa maanta lagu dajiyey xoolo isugu jira Ari iyo Lo,o kuwaas oo laga keenay koonfurta Soomaaliya.

Dhawaan ayaa warqad kasoo baxday madaxweyne ku xigeenka Puntland lagu sheegay in xoolaha ka imaanaya suuqyada Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya lagu kala wareejiyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug gaas oo sabab looga dhigay in lagu baarayo Gadiidka si aysan u adeegsan dadka Qaraxyada Sameeya.

Afhayeenka dawlada Puntland C/laahi Maxamed Jamac oo shalay lahadlay Warbaahinta magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay inay hirgashay warqaadii wareegtada ahayd ee kasoo baxday madaxtooyada Puntland.

Maanta ayaa qaar kamid ah Gadiidkii keenay xoolaha lagu dajiyey duleedka magaalada Gaalkacyo gaar ahaana meel dhawaan ay isku haysteen Maamulka Galmudug iyo Puntland halkaasi oo noqonaysa Siilada Xoolaha ee magaalada Gaalkacyo laguna kala wareejinayo guud ahaan xoolaha sida ay sheegeen maamulka gobolka iyo kan degmada Gaalkacyo.IMG_4624

IMG_4597

IMG_4601

IMG_4604

IMG_4609

IMG_4612

IMG_4618

IMG_4620

IMG_4623

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*