1st May 2024  admin  Category :

Wixii Soomaali Kaalmo la siinayey halkaas ayaanu ka fadhina , welina qaar anaga naga mid ahaa ayaa u jidbaysan Xisbiga Farmaajo

Doqonku waa qofka Aan aqoon iyo garaad badan lahayn, waa nacaska aanu ugu yeedhno dabaalka, waa seegaha dantiisa aan aqoon, gafsanaha yoolashiisa daba maraha ku hawlan waxaan waxba kasoo galayn, soomaalidu in badan ayay ka maahmaaday doqonta iyo garaad yarideeda waxayna yiraahdaan oo halqabsi u ah :

Doqoni hoosiis bay hadh mooddaa.

Doqoni amaan aysan lahayn bay u rixisaa.

Doqon dib bay wax ka garataa.

Guulwadayaasha ugu Badan ee Dawladda Nabad iyo Nolol, waxay ka soo jeedan Deegaanka SSC ama Dhulbbahante ,

Anigo qoraallo badan Kaga hadlay Guulwadaynta Nabad iyo Nolol iyo Xaalada Deegaanka SSC, inaysan is qaban karin hadana waxaan raba inaan mar kale Xujeeyo Guulwadayaasha inay isheegan waxa u deegaanka SSC u jaray Sacabka Nabad iyo Nolol ay u tumayaan,

Deegaanka SSC Waa sadex Gobolka sool Sanaag, Cayn. mana jirto Hal Mashruuc oo kasoo gaadhay Nabad iyo Nolol ,ama Guud ahaan xukumadihii kala danbeeyay ee ilaa burburkii soomaali dhisanaayen.

Kani waa Garoonka Diyaaradaha Buuhoodle, Dadka deegaanku waxay naf iyo maalba isugu geeyen Inay Dhisan Dhabo diyaaraddu kusoo dagto weyna ku guulaysten Laakiin ilaa hada garoonku malaha dhismihii kala duwana ee qeybaha Nasashada, xafiisyadda iyo qeybihii kale Garoon Diyaradeed lahaa.

Taas Bedalkeeda Waayeelka.Qofka Buka, midka aan awoodinba Bacadka waxay dani ku khasabtay in Kuraas Caag ah loo dhigo Bacadka kuna sugan Diyaaradda,.

Dhalinyarada SSC ma iishegi karan waxa u jaray sacabkii Nabad iyo Nolol Ay u tumaayen, mar hadii Deegaankooda sidan ka yahay waxqabadka Xukumadda nabad iyo Nolo.

Mar kale waxaa la’arka Iyadoo caalamku Intaas oo Milyan ugu deeqo Xukumadda Nabad iyo Nolol. oo tan hada ugu danbeeyso 45 Milyan ee Raysal wasaare Khayre, ka dhawaajiyay caawa ee marka la qeybsanaayo Hargaysa oo diidan Somaliya, islamarkaana aan dhalinyartoodu u sacabin nabad iyo nolol diyaarad inta loo saaro 20 Milyan dusha sare laga sii mariyo laascaanood iyo Buuhoodle kadibna Lagu dhiso garoomada iyo Jidadka Hargaysa,kadibna ay sacab ugu daran macno daro ah Guulwadayaashii Reer SSC ,

Taasba waxa igala daran Hodhow marka xadhiga laga jaro mashariicda Burco iyo Hargaysa, ee Lagu dhisay dhaqaalihii Xamar laga keenay ee dusha sare laga mariyay laascaanood iyo Buuoodle ayaan hadana Facebook- ku Arkaa Guulwadayaashi SSC, oo ku Daabacaya Facebooka-ga waa Mashariicdii Dawladu ka hirgalisay Burco ama Hargaysa iyadoo Garoomadoodii lagu fadhiyo Kuraas caag ah Bacadka,!?

Nacasku harraad ayuu dareemaa.” Macnuhu waxa weeye qofka caqliga iyo garashada u saaxiibka ahi, mar na sacabbadiisa ayuu biyaha uga dhergaa, mar na waxbuu keyd u dhigtaa . Laakiin, ma daawado qul-qulka halalacda iyo haraha rogrogmanaya xiliga barwaaqadda ah ee waa usii diyaar garoobaa berita na ma welwelo. Illeyn waa hubaal in aad mar uun rafaad la kulmi doontide.!

Ugama jeedo in dhallinyaradu nacasiin yihiin laakiin waxaan uga socdaa aan xamaasaddeenna ku darno caqli oo Taageeradda Nabad iyo Nolol, ka dhigno mid leh Macno ee aynan noqon iska tumayaal sacab Dan la’aan Ah,!

Taageeradu wax Ha Goyso,

Mar kale waxaan iswaydiiyay oo is idhi tolow Dadka SSC ma waxay aamineen inaysan waxba noqon karin xamar la’aanteed oo waxa kaliye ka kicin kara Ciidamada Hargaysa Sool iyo Sanaag islamarkaana gaadhsiin karana horumar inay tahay Xukumadda xamar ee 20 Kun ee Amisom-ta ahi ku ilaalinayaan Muqdisho,

Tusaale ahaan qofka Isaaqa ah oo dhallinyarada ah oo maanta ku dhagan goonni-isu-taaga Soomaaliland , waxaa sababay odayaashii Isaaq ee ka horeeeyey, ayaa suuro galiyay inay ku beeraan dhalinta kana dhaadhiciyaan in ay iyagu yihiin Dal Madax banan cidna aysan waxba uga baahan inay Iyagu damac yeeshan mooye,

Ugu Danbayn hadalkayga waxaan kusoo xidhaya danteenu haka horayso Dankasta markaas ayaan inagu wax noqon karna Somalina wax tari karna,

W/Q Cartan Darwiish

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*