26th July 2024  admin  Category :

Garaad Saleebaan Oo Canbaareeyey Hadalo Ka Soo Yeedhay Jaamac Garaad Ismaaciil Iyo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed.

Garaad Saleebaan Garaad Maxamed ayaa canbaareyn kulul dusha uga tuuray Jaamac Garaad Ismaaciil Iyo Garaad Cabdisalaan Xasan Maxamed oo dhawaan ka hadlay xiisad colaadeed oo ka dhex dhalatay beelaha Habar-lamaan laysku yidhaahdo ee Biciide iyo Sacad Yoonis ka dib markii ay isku laayeen dhul ay leeyihiin Dhulbahante, Gaar ahaan Maxamuud Garaad, Garaan ahaan Siyaad Maxamuud, Ugaadhyahan.

Garaad Saleebaan ayaa Jaamac Garaad Ismaaciil oo guddoomiye u ah kooxda lagu magacaabo Beeli eeday ku tilmaamay nin aan dhulka kala aqoon isla markaana la tol ah Isaaq oo garab siiyey Isaaq halka uu dhulkiisa difaacan lahaa una hadlay qaab uu u kala dhex galayo beelo dirir ku dhex martay dhul ay leeyihiin, Jaamac Garaad Ismaaciil oo ay hore beelaha Jaamac Siyaad xilkii garaadnnimo uga xayuubiyeen ayaa muddooyinkii ugu danbeeyey wuxuu la siyaasad ahaa beelaha isaaqa taas oo ka xanaajisay Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo ah maanta Garaadka ugu culus Garaadada Dhulbahante ee xilligan nool.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*