18th April 2024  admin  Category :

Afhayeenka Isimada Puntland Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo u waramayey Radio Daljir ayaa kaga hadlay wareeysigaas arrimo badan oo quseeya gobolka Sanaag. Garaadka iyo wafdi odayaal ah ayaa iminka ku sugan magaalda Badhan; Socdaalka garaadka ayaa ku wajahan sidii looga wada tashan lahaa waxna la isaga weeydiin lahaa arrimaha horyaal beesha Warsangeli.

Garaadka ayaa sidoo kalle gaari doona magaalada Shimbiraale si uu uga qeeyb gallo arrimo dhex-dhexaadin ah oo u dhaxeeysa laba jilib oo xurgufi dhex taal.

Garaadka wuxuu kaloo sheegay in shir beeleed ay ku qaban doonaan tuulada Habarshiro. Shirka ayaa looga hadli donaa arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, siyaasada, midnimada dadka, iyo arrimo badan oo dan u ah dadka deegaanka.

Garaadka oo ka hadlay SNMtii deegaanka soo gashay ayaa sheegay in beesha Isaaq ay wadaan jabhadeen iyo in ay iska soo galeen deegaan dad leeyahay . Qabiil walba ayuu sheegay in la yaqaano xaduudkeeda, mana dhaceeyso ayuu yiri in beel kalle oo qardajeex ku timi ay isku daydo ineey beel kalle u talliso taas oo uu sheegay ineeysan horrey ugu dhicin beesha Warsangeli, hadeerna aysan dhici doonin.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*