29th March 2024  admin  Category :

labada maamul ee ay u badan yihiin Beesha Hawiye oo taageeray “Wasiirkooda”

Sharcigii xaaraantaa ahaa ee aan laga wada tashan ee wasiirka Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya Cabdi Cashuur Xasan, oo ka soo jeeda beesha Baadicade ee Hawiye ayaa waxa taageeray maamul goboleedyada Hirshabeele iyo Galmudug.

 

Wasiirka Isgaarsiinta Galmudug Axmed Dubad Cali, Wasiiru dowlaha Isgaarsiinta Hirshabeelle Ifraax Cismaan saney  ayaa taageeray xeerka Isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta Qaranka ee ay dhowaan magacowday Wasaarada Boostada iyo isgaarsiinta ee dowladda Soomaaliya.

Xubnahan ayaa shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, kaddib markii ay ka soo laabteen magaalada Garowe, iyagoo warbaahinta u akhriyay war saxaafadeed ka kooban dhowr qodob oo ay si wadajir u soo saareen:-

WAR-SAXAAFADEED.

Taageerid XEERKA isgaarsiinta dalka iyo xubnaha guddiga isgaarsiinta Qaranka.

Anagoo kala ah xubnaha wasiirada ee kala metelaya dowlad goboleedyada Koonfur Galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle isla markaana ka qeyb galay shir ku qabsoomay 25-27-ka Juun 2018 Magaalada Garowe ee xarunta Puntland, waxaan soo saarnay war-saxaafadeedkan nuxurkiisu yahay sidan:-

Markaan aragnay ajendaha meesha la soo dhigay, markaan aragnay in si qaloocan oo aan sharciga ku saleysneyn la doonayo in loo fashiliyo guulaha laga gaaray meel marinta xeer isgaarsiinta oo heerar kala duwan soo maray, ugu dambeyntiina ku soo baxay faafinta rasmiga ah ee dowlada markii uu madaxweynuhu saxiixay.

Markaan fahamnay in dano gaar ah oo ka hor imanaya qaranimada iyo danta guud ee dalka la doonayo in la meel mariyo, kuwaasoo si guracan loo soo abaabulay. Horeyna aanan uga heysan macluumaad nagu filan oo shirkaas khuseeya.

Waxaa si cad uga dhex muuqday xubno huwan sharafta dowladnimada laakiin door biday khal khal gelinta waxqabadka lagu talaabsaday, kaasoo ah in xeerka isgaarsiinta si hufan u meel maray isla markaana xubnaha guddiga ee heyadda si dheeli tiran loo soo xulay.

Markaan Tixgelinay qodobada sare ku xusan iwm, anagoo gudaneyna xilka iyo waajibaadka na saaran isla markaana meteleyna dowlad goboleedyada aan magacooda shirkaas Garoowe kaga qeyb galnay.

Waxaan halkaas ku cadeynaynaa:-

1-Inaan si buuxda u taageersanahay xeerka isgaarsiinta qaranka ee soo maray dhamaan heerarkii loogu talo galay ansaxna noqday. Diyaarna u nahay ku dhaqankiisa.

2-Sidoo kale waxaan si mug leh ugu qanacsannahay xubnaha Soomaaliyeed ee loo magacaabay guddiga isgaarsiinta Qaranka iney noqdaan anagoo ku kalsoon, aqoontooda, matalaada bulshada ee ay ka socdaan, kuna qanacsan in si hufan loo soo dhameystiray.

3-Waxaan Wasaarada Isgaarsiinta boostada iyo tiknolojiyada ee federaalka iyo hogaankeeda ku garab taaganahay Masuuliyadda ay guteen, waxaanan ku amaanaynaa dhabar adeygooda iyo kartidooda.

Ugu dambeyn waxaan diidan nahay isku daygii shirkii Garoowe ee bishan Juun qabsoomay kaasoo ahaa mid si toos ah uga hor imanaya dowladnimada guud ahaan, gaar ahaana caqabad weyn ku ah horumarka sectorka isgaarsiinta oo ah meesha kaliya ee Soomaalidu ku faanto.

Waxaan u rajaynaynaa Soomaali dhamaanteed guul iyo gobanimo, waxaanan kula dardaarmaynaa in loo gudbo danta guud taageerideeda iyo ilaalinta waxa Soomaaliya KA dhexeeya.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*