28th March 2024  admin  Category :

Gabar iyadoo iskuulka joogta jallaato lagu siray oo qoyskeeda ka maqneyd 9 sano

Kaddib sagaal sano, Pooja Gaud oo 16 jir ah ayay ugu dambeyntii u suurtagashay inay madaxeeda saarto dhabta hooyadeed.

Pooja ayaa la waayay 22-kii Janaayo 2013-dii markaas oo ay jirtay toddobo sano. Waxay sheegtay in laga soo kaxeeyay meel ka baxsan iskuulkeeda oo ku yaalla magaalada Mumbai ee gobolka Maharashtra ee galbeedka Hindiya, waxaana ka soo kaxeeyay lamaane ku soo jiitay jallaato.

Afartii Agoosto ayaa la helay kaddib markii la sheegay inay si mucjiso ah u soo baxsatay.

Hooyadeed, Poonam Gaud, ayaa sheegtay in farxad darteed ay suuxi gaartay.

“Waan ka quustay in aan helo gabadhayda. Laakiin Ilaahay ayaa dib iigu soo celiyay,” ayay tiri.

Booliska ayaa sheegaya in gabadha ay afduubteen Harry D’Souza iyo xaaskiisa Soni D’Souza, sababtoo ah lamaanahaas Ilmo ma aysan dhalin. Booliska ayaa xiray Harry D’Souza.

Ka hor intaan la waayin Pooja waxay la noolayd labo walaaleheed ah iyo waalidkeed, waxayna ku noolaayeen guri yar oo ku yaalla xaafadda isku raranka ah ee duleedka magaalada Mumbai.

.

Pooja ayaa sheegtay in lamaanahan ay markii hore geeyeen Goa kaddibna Karnataka, oo ku kala yaalla galbeedka iyo koonfurta Hindiya, waxayna ugu hanjabayeen inay garaaci doonaan haddii ay ooyso ama laga dareemo inay xoog ku soo kaxaysteen.

Waxa ay sheegtay in loo oggolaaday in ay iskuulka dhigato muddo kooban, laakiin markii ay lamaanahan dhaleen ilmo laga saaray iskuulka, dhamaantoodna loo wareejiyay Mumbai.

Pooja waxay sheegtay in xadgudubku uu ka sii daray kaddib markii uu ilmuhu dhashay.

“Suun ayay igu garaaci jireen, sidoo kale waxaa la igu sameeyay inaan shaqada guriga qabto oo aan shaqeeyo 12 ilaa 24 saac,” ayay tiri.

Guriga ay ku nool yihiin qoyska D’Souzas wuxuu ahaa mid aad ugu dhow kan ay qoyskeeda deggan yihiin laakiin, “ma aqoon waddooyinka, had iyo jeer waa la i ilaalin jiray oo lacag iyo telefoon midna ma haysan, mana aanan awoodin inaan caawinaad helo,” ayay tiri.

Baxsashadii Pooja ee uu nasiibka saaciday

COURTESY OF PRAMILA DEVENDRA

Laakiin maalin maalmaha ka mid ah, Pooja waxaa u suurtagashay in ay gacanta ku dhigto mobaylka lamaanahan markii ay hurdeen oo ay magaceeda ku qortay YouTube. Waxay heshay muuqaallo iyo boorar ay ku xusan yihiin afduubkeeda iyo lambarro ay wici karto hadii ay gargaar u baahato.

“Markaasi ayaan go’aansaday inaan raadsado caawimo oo aan baxsado,” ayay tiri.

Laakiin, waxa ay ku qaadatay toddobo bilood ka hor inta aysan helin geesinnimo ku filan oo ay kula hadasho Pramila Devendra, oo ah 35 jir ka shaqaynaysay isla guriga ay Pooja ku nooleyd.

Devendra isla markiiba waxay oggolaatay inay caawiso. Mid ka mid ah nambarrada ku yaal boorka maqan ayay ka heshay Pooja hooyadeed. Hooyada iyo inanta ayaa markii ugu horeysay ka wada hadlay muuqaal kaddibna waa ay ballameen si ay isku arkaan.

Hooyadeed waxa ay sheegtay in ay eegtay calaamad ay ku dhalatay oo ay ogayd in ay gabadheeda ku taallo, markii ay heshayna ay dareentay inay gabadheedii tahay . “Dhammaan shakiyadayda markiiba way baxeen, waan xaqiiqsaday inaan helay gabadheyda,” ayay tiri.

Devendra waxay ku faraxsan tahay inay qayb ka qaadatay dib-u-midoobida Pooja iyo hooyadeed.

Kulanka kaddib, Pooja, xubno kooban oo qoyskeeda iyo Devendra waxay aadeen saldhigga booliska si ay uga dacwoodaan.

“Booliska wax walba waan u sheegay, xitaa waxaan u sheegay halka ay ku nool yihiin afduubeyaasha,” ayay tiri. Taasi waxay keentay in la aqoonsado eedaysaneyaasha oo la soo xiro.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*