27th July 2024  admin  Category :

Waxay iska weyday caadadii, laba jeer ayey is baadhey waxaana soo baxday inay uur leedahay labada marba, caloosha ayaa soo kuusnatay, naasahahana waxay billaabeen inay xanuunaan, astaamahan oo hadii aadan garaneyn dhammaantood ah kuwa ay la kulmaan dumarka uurka leh. Balse ilmo kuma jirin caloosheeda. Haddaba maxaa ku dhacay gabadhan?

Daba yaaqadii sannadkii 2019 ayey gabadha oo 21 jir ah, lana yirahdo Gisele Ramos wajahday wax ay u maleynaysay mid ka mid ah xilliyadeedii ugu adkaa ee nolosheeda: Waalidkeed ayaa kala tagay markaas waxayna sameystay xiriir ay ku sheegtay inuu xadgudub ku salaysanaa oo ay dhibaato kala kulantay.

Waxay sheegtay in ay kala tageen ninka oo ay kaligeed nooleyd. Hase ahaatee , bilihii xigay waxay ahaayeen kuwa adag waxayna mar kale xiriir la sameysay ninkii ay kala tageen.

Markii ugu dambeysay ee ay aragto isaga, waxay Gesele xaqiijisay in uu u gacan qaaday, markaas wixii ka dambeeyayna si toos ah ayey xiriirka ugu goysay waanay kala tageen.

Hase ahaatee dhowr toddobaad kadib markii ay caadadeedu ka soo dib dhacdey xilligeedi waxay ka shakiday in ay uur leedahay.

“Wax waliba oo aan wajaho ayaa i dhaawacayey, markii ay caadadu iga joogsatayna waaban kasii daray waayo ma doonayn inaan wiilkaas uur u qaado maadaama aaanu xiriirkayagu ahayn mid caafimaad qaba,” ayey tiri.

Gisele Ramos

Xaaladdan markii ay gashay, Gisele ayaa ku warrantay inuu bilowday welwel iyo argagax, taas oo xitaa ay ka baqday in ay guriga ka baxdo.

Maalmihii guriga ay ku xannibnayd waxa bilaabmay calaamado cadcad oo muujinaya in ay leedahay, sida caloosheeda oo soo kuusnaata iyo naasaha oo xanuuna.

“Waxaan farmashiyaha ku sameeyay laba baaritaan oo uur ah, labaduba waxay ahaayeen kuwo togan oo sheegaya inaan uur leeyahay. Naasahaygu way barareen, waxaan dareemay dhaqdhaqaaqa ‘ilmaha’. Waan hubay inaan uur leeyahay, ” ayey faahfaahisay.

Dhowr toddobaad ka dib, Gisele waxay sheegtay inay bilowday inay aqbasho uurka. Waxay soo iibsatay xafaayad, kabo waxayna hore usii dooratay magaca ilmaha ay u bixin lahayd oo ah: Bernardo ama Zoe.

Gisele oo ah gabar isqurxinta ka shaqeysa ayaa markaa ballansatay ultrasound oo ah kombuyuutarka ilmaha sawirkiisa lagu arko. Sida xisaabsanayso, waxay yeelan doontaa uur shan ama lix bilood ah.

“Markii uu dhakhtarku yidhi ilmo ma jiro uurna ma lihid, waxaan dareemay inay noloshaydu kala daadatay, amakaag ayaan la aamusay, dhagahayguna ma maqal wax ka baxsan wixii dhaqtarka afkiisa kasoo baxay markii u horeysay inta aan la joogay oo dhan,” ayay dib u xasuusatay.

Iyada oo aan aqbalin in aanay uur lahayn, ayey Gisele guriga ku laabatay waxayna aamintay in dhaqtarku qalad sameeyay markii uu kombuyuutarka saarayey waxayna bilowday baadhitaan ku saabsan suurta galnimada arrinkan.

“Waxaan internet-ka ka helay in mararka qaar ay dhacdo in dhaqtarku qaldamo. Balse kuwan inkasta oo aaladdu aanay muujinin ilmaha hadana waa u uku jiray caloosha. Waxaan doonayey inay sidan oo kale dhacdo oo ilmo calooshayda ku jiro,” ayey tiri.

Waxay ahaayeen maalmo baadhitaan ah illaa markii dambe ay garab ka heshay saaxiib keed ah, Gisele waxay bilowday inay aqbasho in uurku uu ahaa mid ka yimid dhanka dhimirka, sidaasna uu jirku run u maleeyay waxa ay maskaxdu u sheegtay, waxayna tacsi u gashay ilmo aan waligiisba jirin.

“Runtii waa murugo, iyo dareen ah in ay ilmo igasoo dilmeen ama uu iga dhintay. Illa aiyo manta mararka qaar waxaan dareemaa inaan iska ooyo markaan murayadda hor istaago. Mararka qaar waxaan is arkaa anoo caloosheyda salaaxaya, balse markaan ka war helo inaan samaynayo ayaan isla markiiba ooyaa,” ayey leedahay Gisele.

Iyada oo dawooyin iyo la talin dhanka dhimirka ah helaysa, Gisele waxay sheegtay inay isku dayeyso sidii ay iskaga iloobi lahayd xaaladdaas, nolosheedana ay u raacan lahayd.

“Ilaa hadda waan noolahay, waxaan isku dayayaa inaay kasoo kabsado ‘geeridii’ maalinba maalinka ka dambeeya sababtoo ah waddo kale iima bannaano,” ayey tiri.

Uurka dhimirka

Haweenay welwelsan

Xogta laga helay WHO (Hay’adda Caafimaadka Adduunka) ayaa tilmaamaysa in 22,000 ee uur kasta, ugu yaraan mid ka mid ah uu yahay ‘pseudocyesis’, oo loo yaqaanno uur maskaxeed.

Waa qayb ka mid ah xanuunnada taxanaha ah ee loo yaqaan ‘somatoforms’, xaalad jireed oo ka dhalata sabab aan baayoloji ahayn.

Khubaro ay la tashatay BBC-da Brazil ayaa ku micneeyay in cudurkan uu ku yimaado xanuun nafsi ah oo isu muujiya sidii calaamado oo kale ; tusaale xaaladda gabadhan oo kale, uur aan ilmo lahayn .

Sidoo kale, sida ay khubaradu sheegeen, waxaa suurtogal ah in aaladda uurka lagu tijaabiyo ee farmashuhu ay muujiso natiijo jiritaanka uur oo ku saabsan xaaladda uur nafsiyeedka, maaddaama isbeddellada nafsiyeed ay keeni karaan khalkhal hormoonnada ku yimaad.

“Bukaannadani waxay dareemaan dhammaan calaamadaha uurka, sida lallabbo, caadad oo dib dhacda, calool kuusan iyo, maaddaama maskaxdeennu ay maamusho dhammaan wax soo saarka hormoonnada, waxay bilaabaan inay sidoo kale yeeshaan isbeddeladan, taas oo ka dhigaysa inay si daacad ah u rumaystaan uurka.” Ayuu ku sharraxay dhakhtarka haweenka iyo dhalmada Carlos Moraes, oo ka shaqeeya isbitaallada Albert Einstein, São Luiz iyo Pro Matre ee Brazil.

“Dhammaan calaamadahan waxay ku dhici karaan isbeddellada hoormoonka ee ka yimaada qaar ka mid ah cilladaha dhimirka,” ayay ku dartay Danielle H. Admoni, oo ah dhakhtar cilmi-nafsiga oo ku sugan Jaamacadda Federaalka ee São Paulo dalka Brazil.

Aaladda uurka lagu tijaabiyo

Pseudocyesis inta badan waxay ku dhacdaa bukaanada dareen ahaan nugul, waxayna ku dhici kartaa haweenka ka baqaya inay uur qaadaan iyo sidoo kale kuwa aad u raba.

Inta badan xaaladaha uurka nafsiga ah, xitaa haddii baaritaanada caafimaad ay muujiyaan in haweeneydu aysan uur lahayn, iyadu way hubtaa inay uur leedahay.

“Aad bay ugu adag tahay inay rumaystaan inaysan uur lahayn, marka aan soo bandhigno baaritaannada muujinaya inuusan uurkaan jirin, bukaanku ma rumaysnayo oo wuxuu aaminsan yahay in baaritaannada ay khaldan yihiin,” ayuu raaciyay Moraes.

Maaddaama ay tahay cillad nafsi ah, daaweynta uurka noocan ah waa in lagu sameeyaa koox cilmi-nafsiyeedyo badan – dhakhtarka haweenka, cilmi-nafsiga iyo dhakhtarka maskaxda- si ay haweeneydu u milicsato wixii dhacay, iyada oo laga saarayo inta ugu badan ee dhibaatada ka dhalatay ‘pseudocyesis’.

“Marka laga soo tago daryeelka qaybta jireed ee dhakhtarka haweenka, dhakhtarka dhimirka ayaa baari doona sababta xanuunka wuxuuna hubin doonaa in lagu daaweeyo teraabiyada cilminafsiga iyo taageerada dhimirka ayaa qayb ka noqon doonta daaweynta,” ayuu yiri Antônio Geraldo da Silva, madaxweynaha Ururka Cilmi-nafsiga ee Brazil.

“Nasiib darro, ma jirto si looga hortago cudurkaan. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in aad ka taxadarto caafimaadka maskaxdaada si aad uga hortagto in uu gaaroo meel aad u daran oo kuu horseedaysa xaaladdaas,” ayuu raaciyey

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*