26th July 2024  admin  Category :

Dawladda Turkiga ayaa heshay gaas. Gaaskaas ayaa laga hellay badda loo yaqaano Badda Madoow. Hellitaanka gaaska ayaa waxa shacabka dalkaas ugu bishaareen doona Madaxweeynaha dalkaas Erdogan salaada Jimco kadib.

Warar ay wakaaladda wararka ee Reuters ka heshay xubno ka mid ah dawladda Turkiga ayaa lagu sheegay in gaaska laga hellay Badda Madoow uu dalkaas isticmaalkiisa ku fillaan doono muddo 20 sanno ah, lacagta ku baxeeysa ayaa lagu sheegay in ay dhantahay 2 illaa 3 bilyan oo doolar, wuxuuna soo saaritaankiisa gaaskaas uu qaadan doona muddo 10 sanno ku dhow.

Hadaba, dawladda Turkiga waxaa kaga baxay sanadkii 2018 shidaalka ay soo dhoofsto lacag dhan 45 bilyan oo doolar taas oo ah lacag aad u badan. Dalalka ay gaaska ka soo dhoofsadaan Turkiga waxa kaalinta hore kaga jira dalka Ruushka, gaaska Ruushka laga soo dhoofiyo ayaa ahaa 66 boqolkaa, balse hadeer waxaa uu yahay kalla bar ama 33 boqolkii. Wadamada kalle ee gaaska laga soo dhoofiyo ayaa waxaa ka mid ah Qatar, Aljeeriya, Mareeykanka, Neeyjeeriya iyo wadamo kalle.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*