26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabey Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Magacaabey Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21 April 2018 waxaa uu wareegto klu magacaabay Guddiga Hagaajinta Bilicda Iyo Soo Celinta Hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Dowladda Puntland oo sumadiisu tahay MW/DPS/267/2018, Boosaaso.
ku: Dhammaan Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda ee Gobolka Bari.

Og: Guddoomiyaha Gobolka Barri.
Og: Guddoomiyaha Degmadda Boosaaso.
Og: Taliyaha Qaybta Booliiska Bari.

Ujeeddo: Magacaabid Guddiga Hagaajinta Bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso.

Waxaa wasaaradaha iyo Hay’adaha ay warqadaani sida tooska iyo ogeysiinta ugu socoto lagu wargalinayaa in la magacaabay guddiga hoos ku qoran, kaasoo ka shaqeyn doona hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida maguurtada ah ee Dowladda Puntland ku leedahay magaalada Boosaaso, taasoo ay si sharci dara ah ku degan yihiin dad shacab ah.

Gudigaas oo ah sida hoos ku qoran.

1: Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Kalluumaysiga Iyo Khayraadka Badda- Guddoomiye

2: Siciid Maxamed Raage Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin

3: Maxamed Faarax Beeldaaje Wasiirudowlaha Maaliyadda- Xubin

4: Cabdirsaaq Nuur Cumar Wasiir Kuxigeenka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda- Xubin

5: Cabdisalaan Bashiir Cabdisalaan Wasiir Kuxigeenka Maaliyadda ahna Guddoomiyaha Degmada Boosaaso- Xubin

6: Yuusuf Maxamed Wacays {Dhado} Guddoomiyaha Gobolka Barri- Xubin

7: Gen Asad Cismaan Cabdulaahi Agaasimaha Guud ee PSF- Xubin

8: Admiral Cabdirisaaq Diiriye Faarax Taliyaha Ciidanka Bada- Xubin

9: G/sare Cabdixakiin Yuusuf Xuseen Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Barri- Xubin

Sidaas Daraadeed Waxaa guddiga hagaajinta bilicda iyo soo celinta hantida Dowladda ee Degmadda Boosaaso la farayaa in ay sida ugu dhaqsha badan uga hawlgalaam waajibaadka shaqo ee loo igmaday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*