29th March 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Dawlada Putland ayaa dhagax dhigay Dhismaha cusub ee wasarada waxbarasha iyo taclinta sare ee dawlada puntland

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 25 September, 2016 dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Puntland, dhismahaas oo ka mid noqon doona dhismayaasha casriga ah ee ay u wareegeen inta badan Wasaaradaha dawladda Puntland.

Munaasabadda dhagax dhiggaan cusub ee  wasaaradda ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayey Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Dr. Abshir Yuusuf Ciise, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda, Agaasimaha Guud iyo saraakiil kale oo ka tirsan wasaaraddaasi.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo munaasabadda dhagax dhigga hadal ka jeediyey ayaa ku ammaanay Wasaaradda Wax-barashada iyo tacliinta sare dedaalka ay ugu jirto dar-dar gelinta adeegyada ay bulshada siiso iyo kor u qaadidda tayada aqoonta waxbarashada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynuha ayaa waxa uu tilmaamay in dhismahaan cusubi uu waxbadan ka kaabi doono Wasaaradda iyo habsami u socodka shaqada baaxadda leh ee ay wasaaraddu bulshada u hayso isla markaana waxa uu fududayn doona helitaanka adeegyo badan oo muhiim u ah waxbarashada.

Sidoo kale Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa dhagax dhigay dhisme cusub oo ay yeelan doonto Jaamacadda Boosaaso faraceeda Garoowe, dhismahaas oo noqon doona mid wax-badan ka beddeli doona baahiyaha Jaamacaddaasi.

Munaasabadda dhagax dhigga Jaamacada ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Waxbarashada, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda waxbarashada, Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaasi, Maamulka iyo Macallimiinta Jaamacadda Boosaaso Faraceeda Garoowe.

Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Jaamacadda Boosaaso horumarka baaxadda leh ee samaysay isla markaana waxa uu urajeeyey in ay noqon doonto jaamacad wax-badan ka beddeli doonta casriyeynta waxbarasha Puntland.
img_8154img_8159img_8160img_8165img_8166img_8171img_8173img_8175img_8177img_8178img_8179img_8187img_8191img_8192img_8194img_8195img_8203img_8205img_8209img_8210img_8213img_8216img_8217img_8219img_8225img_8227img_8229img_8232img_8239img_8242img_8244img_8245

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*