26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Gaas oo dhagax dhigay airportka Badhan

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 21 Sep 2018 waxaa uu dhagax dhigay dhismayaasha Airport ka magaalada Badhan oo ah mid hada si xawli ah ushaqeeya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey dhagax dhigga Aripotka magaalada Badhan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda duulista, hawada iyo garoomada Sucaad Saalax, maayreeyaha Airport Badhan Muuse Aadan Jibriil, maamulka degmada iyo kan gobolka, qaar kamida golaha xukuumadda Dowladda Puntland iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda duulista, hawada iyo garoomada Sucaad Saalax ayaa ka warbixisay xaalada Airport Badhan waxa ayna sheegtay wasiiradu in Airport-ku ku shaqeeyo gegi lagaraacay oo bannaana loona baahan yahay in loo dhiso sida garoomada caalamig ah.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ka ahadlay dhagax dhigga Airport ka Magaalada Badhan ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Waa farxad in maanta halkaan ka dhagax dhigno Terminal kii iyo xafiisyadii uu Airport-ku ku shaqeen lahaa, Airport-ku noqdo mid si fiican u shaqeeeya oo xayn daaban lagana ilaaliyo in ay xooluhu soo galaaan, si isku tashiya aan u sameeno Inshaa Allaahna waxaan rajeenaynaa waqti aan dheereyn in hawshaasi ay dhammaato”

Ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda, Xanaanada Xoolaha, iyo Jeelka magaalada Badhan oo dhismihiisu socdo, laguna dhisay iskaa wax u qabso oo ay sameeyeen bulshada magaalada Badhan, waxaana uu Madaxweynuhu ka dhegaystay dhammaan masuuliyiintii xarumahaas warbixino ku aadan shaqooyinkooda iyo xaalada gobolka, isla’markaana waxaa uu ku booriyey shaqada baaxaddale ee ay u hayaan shacabkooda inay sii laban laabaan oo ay uga soo dhalaalaan si hagar la’aan ah.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*