26th July 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Bogaadiyey Shaqada Guddiga Doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka iyo Ciidamada Amniga.

Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa oo ay tariikhdu tahay 06 January 2019 bogaadiyey shaqada baaxaddale ee ay qabteen Guddoonka Golaha Wakiillada dowladda Puntland, Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, hawlwadeenada Baarlamaanka iyo ciidamada Amniga Puntland.

 

‘Waxaan halkan bogaadin uga dirayaa Guddoonka Golaha Wakiillada dowladda Puntland, Guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland iyo hawlwadeenada Baarlamaanka oo qabtay shaqa hufan oo dastuuri ah, waxaan kula dardaarmayaa inaanay ka daalin shaqadaasi oo ay u qabtaan si hagar la’aan ah oo daacadnimo ku jirto” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa bogaadiyey hawlgalada ciidamada qalabka sida ee dowladda Puntland ay ku xaqiijinayaan sugidda amniga dalka, gaar ahaan kan caasimadda.

“Waxaan sidoo kale bogaadinayaa ciidamada madaalayaasha ah ee ku hawlan sugidda amniga habeen iyo maalin, kuwaas oo ka hawlgelaya guud ahaan dalka oo dhan, gaar ahaan caasimadda, waxaan kula dardaarmayaa inay fiirogaara u lahaadaan dhagarta cadawgooda”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhoweeyey Musharaxiinta xilka Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyne Ku-xigeenka ee buuxiyey shuruudaha dastuuriga ah ee doorashada Puntland.

“Waxaan soo dhoweynayaa Musharaxiinta buuxiyey shuruudaha dastuuriga ah ee xilka Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa shacabka Puntland ugu baaqay inay la shaqeeyaan ciidamada Puntland ee ku hawlan sugidda Amniga.

“Waxaan shacabka Puntland ugu baaqayaa inay la shaqeeyaan laamaha kala duwan ee ciidamada amniga Puntland ee ilaalinaya adkaynta amniga dalka oo dhan, gaar ahaan caasimadda Puntland ee Garoowe, waxaan rajaynayaa inay noo-dhacdo doorasho xor iyo xalaala maalinta 8- January – 2019” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*