26th April 2024  admin  Category :

Guuxa siyaasadeed ee maanta kajira Itoobiya ayaa ah madaxii hore ee hay’ada sirdoonka Itoobiya Getachew Assefa oo siyaasada dib ugu soo laabtay kadib markii ururka TPLF udoortay xubin kamid ah golaha dhexe ahna gudiga fulinta ee TPLF.Horay waxa aynu u ogayn in Getachew Sudaan ubaxsaday dowladuna amar ku bixisay in la soo qabto si sharciga loo horkeeno.Dib usoo noqoshada Getachew iyo weliba qaabka uu Maqale kuyimid waa baaq ay TPLF direyso.Hadaba baaqaasi muxuu noqon karaa?

1) In warkii hore uusan ahayn war dowladeed aynana jirin eedayn iyo dambi dowladu uhaysatay Getachew oo aan ka ahayn in xilkii laga qaaday,warkii saxaafada lagu shaaciyeyna uu ahaa mid un ku eg kooxo activist ah oo mucaarad ahaa mudadii uu Getachew xilka hayay ama kamid ahaa raggii uu wadanka ka saaray.

2)Qodobka labaad waa goodis iyo xaddi TPLF uga jawaabayso dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee siyaasiyiinta Oromadu ku dhalan rogeen Addis Ababa runtiina loo caal la’yahay.Soo celinta Getachew iyo diyaarad ku keenadiisa shirka waa baaq daandaansi ah oo ku socda Oromada oo ah bayuur,car iyo wirr wakaase .

3) Waxaa kale oo ay noqon kartaa inoo kala saara ilaa iyo inta ay imaanayso Itoobiya la wada leeyahay oo wada tashanaysa.

Waxaa lagu heshiiyay in afarta urur ee EPRDF bah wadaaga ku ah shirweynahooda qabsadaan isna qiimeeyaan,OPDO iyo ANDM isku wado ayeey mareen magiciina way badasheen halka TPLF ay weli ku dhugantahay magacii hore ee xoreynta dadka Tigreega arintaas oo loo fasiri karo in TPLF ay aragto in weli halgan dambeeyo loona baahan yahay sii haysashada magaca xornimo udirirka.

Sikastaba ha ahaatee waxaa marag madoonta ah in siyaasada Itoobiya aysan fadhiyin dano qoomiyadeedna laga hormariyay dantii qaranka taas oo horseedi karta in Itoobiya qaran jab ka dhaco laguna kala guuro,midna hala ogaado shacabku wuu ka raystay xukunkii TPLF laakiin qaranimadii Qar bay saarantahay.

Dhanaan media

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*