16th April 2024  admin  Category :

Madaxweynaha Puntland oo Daah Furay Qabyo Tirka Xeerka Cashuuraha Moorka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariihdu tahay 2 October 2018 xarunta Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Puntland ka daah furay qabyo tirka xeerka cashuuraha moorka, xeerkaas oo ah xeer ladhaqan galiyey 1966.

Madaxweynaha Dowladda Puntland waxaa ku wehelinayey daah furkan qaar kamida goloyaasha Dowladda Puntland, Guddoomiyeha koobaad ee golha wakiilada Dowladda Puntland, xeer ilaaliyaha guud ee Puntland, maamulka degmada Garoowe iyo kan gobolka Nugaal iyo saraakiil katirsan madaxtooyada Dowladda Puntland.

Daahfurka qabyo tirka xeerka cashuuraha moorka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland, ayaa waxaa looga doodayey qaabka looga faa’iidaysan karo iyo waxtarka uu leeyahy waxayna dhammaan masuuliyiintii ka hadlay madasha daahfurka isku raaceen in xeerkan uu yahay mid wax badan ka badalay dhaqaalaha Dowladda Puntland, adkeenayana nidaamka canshuur qaadista.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad muhiima uu dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyey madasha daahfurka

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*