27th July 2024  admin  Category :

Xildhibaano kale oo laaluush ku soo baxay

gafa_6

gafa_10

C/qaadir Gaafow Maxamuud oo la dhashay Taliyaha Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow ayaa maanta loo doortay Xubin ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Hoose ee ka imaanaya deegaanada dowlad goboleedka Galmudug.

Doorasho maanta ka dhacday degmada Cadaado ayaa C/qaadir Gaafow ku guuleystay Kursiga Beesha Habar Ceyno-Mursade ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka, kaddib markii ay u tanaasuleen Labo Musharax.

Labada Musharax ee la tartamayay oo kala ahaa C/qaadir Nuur Caraale oo Wasiir ka ah Maamulka Koofur Galbeed iyo nin kale ayaa labadaba sheegay inay iska casileen Tartanka oo ay u tanaasuleen.

C/qaadir Gaafow oo ku cusub masraxa siyaasada ayaa dhowaan ka yimid dalka Canada, isagoo si fudud ku noqday Xildhibaan, waxaase ay ku timid dadaal uu har iyo habeen uu galay walaalkiis Jen. Gaafow.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa) ayaa goor dhow ku guuleystay Kursiga Aqalka Hoose ee xubinimada Baarlamaanka, kaddib doorasho ka dhacday degmada Cadaado ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Galmudug.

Mr Odawaa ayaa helay codod dhan 46 cod oo ahaa ergadii dooraneysay, halka Musharaxii kale ee la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed C/llaahi Maxamed uu helay 5 cod.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*