26th July 2024  admin  Category :

1da Julay oo noqtay maalintii reer Muqdisho ay  Xalaalaysteen Basaskii lagu helay magaca Soomaalida oo dhan. Calan la ruxo iyo xaflad laga heeso Soomaali kuma midoobayso ee waa in deeqaha magaca Soomaali lagu helay  si caddalad ah Soomaali oo dhan loogu wada qaybiyaa. Afhayeenkii hore  Maxaakiimta Daahir Geele, oo markii ay dilayeen sanadkii  2006 wiilashii reer  Puntland ee la socday Madaxweynihii hore ee  Cabdulaahi Yuusuf xillligii  ay  Muqdisho u tegeen soo celinta Qarankii iyo  midnimada Soomaaliya iyo in uu albabada u furaan  Villa Soomaaliya  lahaa  ” Xabshi ayaanu maanta ku  dilnay Muqdisho.  Maanta inay Calan  ruxaan midnimo Sooomaaliyeed kuma imanayso. Mana jirto midnimo Soomaaliyeed ee  maanta ka dhaxaysa umadda Soomaaliyeed. Waxa qura oo jiraa waa reer Muqdisho oo magacii Soomaaliyeed ku qaraabanaya iyo Soomaalida inteeda kale oo yaaban oo sugaysa hanbada Muqdisho

Ma ku  aragtaa astaan Midnimo Sawirkan

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaarisay Basas waaweyn oo loogu tala galay in lagu qaado Shacabka  magaalada Muqdisho inta ay xiran yihiin wadooyinka.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, horayna u ahaa ahaa afhayeenkii Mxaakiimta  Daahir  Maxamuud Geele ayaa sheegay in qorshahaan loogu tala galay in shacabka Muqdisho loogu daneeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*