26th April 2024  admin  Category :

Goobta lagu tilmaamay ‘cadaabta’ ee ku taalla Qadar ee 200 oo doolar lagu seexdo halkii habeen

“Weli waa la dhisayaa, maalintii waa cadaab oo kale, waa saxaraha, aad buu u kulul yahay.”

Waa Shogo Nakashima oo ka shakeeynaya meesha uu ku noolaan doono labada toddobaad ee soo socda, waxa wajigiisa ka muuqata dhoola cadeyn.  Waxa uu yiri “waan qoslaa si aanan u ooyn”.

“Ma bedeli karo meesha aan joogo hadda, markaa waa inaan aqbalo oo aan sugo ciyaarta Japan,” ayuu yiri.

“Halkan kaliya ayaan xilligaas ka hor seexan doonaa, ka dib waan bixi doonaa oo magaalada baan sahamin doonaa, ma rabo inaan halkan sii joogo.

Ninkan 31-jirka ah ee u dhashay dalka Japan ayaa ka mid ahaa dadkii ugu horeeyay ee yimid Tuulada Fanka ee Jasiiradda Qetaifan, tuulada fanka ayaa dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Dooxa, waxaana halkaas weli meelaha qaar ka socday dhismo saacado yar kaddib markii goobta la furay.

Laakin inta aysan inta badan martida imaan goobta, waxaa jiray calaamado muujinaya in arrimuhu aysan noqon sidii la filayay.

Qetaifan

Marka aad eegto xerada waxaa kuu muuqanaya, gawaarida dhismaha iyo shaqaalaha oo mashquul ku ah shaqooyin ay ka mid yihiin dhisidda laamiga iyo xiridda fiilooyinka nalalka.

Oo markaad kor ugu sii socoto goobta soo dhawaynta, xayndaabku si sax ah uma gudbinayo. Waxaa jira 1,800 oo teendho, oo mid kastaa laba qof seexan karto.

Pedro iyo Fatima waxay ku nool yihiin Spain laakiin waxay halkan u joogaan inay taageeraan Mexico. Waxa ay is guursadeen bishii April, waxaana safarkan uu qeyb ka yahay bisha malabka.

Habeenkii waa lagu seexdaa 200 oo doolar. Run ahaantii, may ahayn wixii aan halkan ka filayay. Markaad aragto sawirada oo aad akhrido sharraxaaddooda weliba goobta lagu qabanayo Koobka Adduunka – waxaad filaysaa goobo tayo fiican,” ayuu yiri Pedro.

“Tani waxay la mid tahay hostel heerkiisu hooseeyo oo aad ka heli karto meelo badan.”

“Waxay la mid tahay inaan ku jirno aqalka dhirta lagu koriyo,” ayuu raaciyay, “sidaas darteed ma aan seexan karin 9-kii subaxnimo ka dib , inkastoo aan ku soo daalnay duulimaadka.”

Teendhooyinka, mid kastaa waxa uu ka kooban yahay laba sariirood oo keli ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*