27th July 2024  admin  Category :

Beesha Isaaq oo diiday inuu  Farmaajo ugu keeno Abiy Ahmed Hargaysa

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa sheegay in beesha Isaaq ay iska khasaarisay fursad dahabi ah, kaddib markii ay diiday booqasho ay wadajir ah oo ay Hargeysa ku imaan lahaayeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Wareysi uu siiyay Telefishinka Goobjoog TV waxaa uu kaga hadlay halka uu ku dambeeyay wada hadaladii u dhaxeeyay dowladda Federaalka Somaliland iyo Maamulka Somaliland oo muddo hakad ku jira.

“Wadahadalka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya wuxuu ka mid yahay qodobbada ugu waaweyn ee ahmiyadda u leh guud ahaan qaranka Soomaaliyeed, gaar ahaanna wuxuu waajib ka saaran yahay aniga iyo mas’uuliyiinta kale ee kasoo jeeda Soomaaliland, wuxuuna joogitaankeennu macno ku fadhiyaa marka ay wadahadalladaas miro dhal noqdaan”ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo hogaamiyaha  SNM Muuse Biixi Cabdi ay xiriir toos ah lahaayeen.

“Markii madaxweyne Farmaajo la doortay kadib waxaa jirtay doorasho ay ku mashquulsaneyd Soomaaliland. Annagu aragtideenna waxay ahayd in saddexda xisbi ee Kulmiye, Ucid iyo Waddani kii la doortaba in aannu la shaqeyno lana sii amba qaadno wadahadalladii horay u socday, mid aannu gaar u taageersaneyn ama aan niyadda ka rabnayna ma jiro, markii dambena waxaa toos u wada xiriiri jiray Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Biixi, xiriirkooduna wuxuu wanaagsanaa ilaa laga soo billaabo bishii Maarso ee sannadkii 2018-kii” ayuu yrii Mahdi.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Guuleed oo sii hadlayay ayaa yiri “Waxaan kuu sheegayaa in dhawaan ay Somaliland lumisay fursad dahabi ah oo ahayd in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed iyo Madaxweyne Farmaajo ay rabeen in iyagoo wada socda ay ka dagaan Hargeysa, laakiin markii Madaxweynaha Somaliland iyo maamulkiisa ay wada tashadeen ma aysan suurtoobin, ilaa haddana dhankeenna diyaar baan u nahay inaan mar walba tagno, ha noqoto Farmaajo oo kaligiis ah ama isagoo uu la socdo Abiy”

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa horaantii sanadkan waday qorshe uu damacsanaa inuu isugu keeno Madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi, intii Madaxweynaha Somaliland booqasho ku joogay magaalada Addis Ababa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*