11th May 2024  admin  Category :

Fowsiya iyadoo isku diyaarineysa inay nuujiso gabadheeda ayaa loo sheegay in labada naasba laga jarayo

Fowsiya waa hooyo heysata saddex carruuur ah, haatanna ku sugan dalka Turkiga oo ay labo sano ka hor u tagtay xanuun ka haleeyay naaska, balse aysan markaas aqoon wuxuu yahay.

Bartamihii sanadkii 2020 ayay ahayd markii ay xanuun ka dareentay naaska bidix, waxayna markaas Fowsiya oo 32 sano jir ah ku nooleyd magaalada Burco ee Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland. Xilligaasna waxay nuujineysay gabar jirtay toban bil.

Fowsiya, oo naga codsatay inaan magaceeda koowaad uun adeegsanno ayaa wareysi ay siisay BBC ku sheegtay in markii ay isbitaallada magaalada Burco ku wareegtay xanuunkeeda waxba laga qaban waayay.

Dhowr jeer oo ay safarro ku tagtay Hargeysa iyo Addis Ababa oo ay rajeyneysay inay dawadeeda ka hesho ayay ku heli weysay wax natiijo ah, ugu dambeyntiina waxay go’aansatay inay aaddo Turkiga.

“Markii hore waxaan tagay Itoobiya, xilligaas oo uu naaska si xoog ah ii bararsanaa balse kama aanan helin wax caafimaad ah, waxaana dib ugu laabtay Burco, haddana waxaan booqday isbitaallada Hargeysa waxayna igu dhaheen [xanuunkan] ayaa ku haya,” ayay tiri Fowsiya.

Intii ay safarka ku jirtay waxaa calool-gashay gabadha ugu yar carruurteeda, oo haatan sanad iyo siddeed bil jirta.

Fowsiya oo markan  xaamilo ah, xanuunkiina maalinba maalinta ka dambeysa uu ka sii darayo ayaa ku laabatay Hargeysa, dhaqaatiirtana waxay weydiisatay halka ay markan daaweyn ka heli karto.

“Markii ay dhaqaatiirta igu dhaheen waxba kama qaban karno xanuunkaaga, waxay igula taliyeen Itoobiya, balse waxaan u sheegay inaan booqday isbitaal ku yaalla Itoobiya oo uusan wax xanuun ah igu sheegin, kaddib ayaan go’aansaday inaan caafimaad u aado Turkiga,” ayay tiri.

Qoraalka Codka,Fowsiya Waxaa loo sheegay in uu hayo kansarka naasaha, isla markaana uu ku faafay labada naas

Inkastoo aysan markaas Fowsiya u fududeyn in ay Turkiga tagto, sababo la xiriira dhanka kharashka iyo weliba iyadoo heysatay carruur yaryar oo aysan dooneyn inay ka tagto, haddana waxay ogeyd inay ku khasban tahay.

Waxay caawinaad ka heshay bulshada gudaha dalka iyo dibadda oo ku caawiyay kharash ay ku tagto Turkiga. Waxay nooga sheekeyneysaa wixii ay la kulantay markii ay tagtay halkaas.

“Markaan Turkiga tagay waxaa la iga qaaday dhacaanno, iyada oo loo baqayo ilmaha yar ayaa waxaa la ii billaabay daawooyin, markaan toban cisho umul ahaa ayay soo baxday jawaabtaydii,” ayay tiri.

Fowsiya waxaa loo sheegay in uu hayo kansarka naasaha, isla markaana uu ku faafay labada naas, sidaa darteedna loo billaabi doono daaweyn, sidoo kale waxaa loo sheegay in laga jarayo labada naas.

Warkaas wuxuu naxdin ku noqday Fowsiya oo isu diyaarineysay nuujinta gabadheeda yar oo toban cisho uun dhallaneyd isla markaana aysan weli arkin. Gabadha markii ay dhalatay waxaa loo geeyay reer Soomaali ah si ay u xannaaneeyaan inta ay xaaladda Fowsiya ka soo roonaaneyso.

Fowsiya xanuunkan kama aysan haysan wax feker ah, waxaase jirtay in qof qoyskeeda ka mid ah ay xanuunkan qabtay.

Haddii ay wax aqoon ah u lahaan lahayd xanuunka kansarka naasaha oo ah nooca kansarka ugu badan ee ay u geeriyoodaan haweenka adduunka oo dhan, waxay aaminsan tahay in xaaladdeeda aysan heerkan gaari lahayn.

Rajadeeda haatan ugu weyn waa in gudaha dalka laga helo isbitaallo iyo dhaqaatiir u diyaarsan daaweynta xanuunkan kansarka naasaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*