26th July 2024  admin  Category :

Filish oo guryahooda ku booqday qoysaskii ay ka baxeen labadii reer Muqdisho ee xalay la dilay 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa caawa guryahooda ku booqday qoysaskii laga dilay labadii qof ee shacabka ahaa, kuwaas oo degmada Boondheere uu xalay ku dilay askari ka tirsan ciidanka Booliska Soomaaliya.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa qoysaskii uu la kulmay uga tacsiyadeeyey gaarida dadkii laga dilay, waxuuna u balan qaaday in maamulka gobolka Banaadir uu kafaala qaadayo nolashooda.

Sidoo kale duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa qoysaskaas u balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan sharciga loo marsiin doono askarigii dilay dadkooda.

Labada marxuum ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Madiino Cabdullaahi Cabdi iyo Xasan Cali Cadaawe, kuwaas oo askari ka tirsanaa booliska ka howlgala saldhigga degmada Boondheere uu dil u geystay xalay xilligii uu bilaabanayey dhaqan-galka bandowga saran magaalada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*