26th July 2024  admin  Category :

Mar marsiinyo ay Federaal diidku ku doodi jireen ayaa maanta Muqdisho lagu qabtay .

Kooxda Federaal diidka ah oo u badan kooxaha Koonfurta Soomaaliya, uuna hogaamiyo Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, ayaa waqtigii Jubbaland la dhisayey iyo marar ka horaysaba iyaga oo diidan Federaalnimada waxay ku doodi jireen oo maramarsiinyo ka dhigan jireen arin ay ku carqaladaynayaan Federaalnimada.

Marmarsiinyaha Federaal diidnimada ugu caansanaa ee Talfishanada Soomaaliya ka sheegi jireen waxa ka mid ahaa ” Soomaaliya Federalkee qaadatay” ma kan USA, ma kan Hindiya, ma ka Ingiriiska, ma kan Canada IWM. Ogoow kooxdani ujeedadodu maaha kala xulashada federaalnimada ee waxay doonayaan inay Soomaali oo dhan ay isugu keenaan Muqdisho sidii Kacaankii. Intaan reer Puntland sharcigan Soomaali kala badbaadinaya ee Federaalnimada u keenin, kooxdani waxay ahaayeen Mooryaan aan maskaxda ku hayn Federaalnimo iyo Dimoqraadiyad oo doonayey in Soomaaliya Fawdadaa ku sii jirto

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay kulan looga hadlayo qaab-dhismeedka dowladda ee nidaamka Federaalka kaasoo lagama maarmaan u ah dhameeystirka dastuurka KMG ah.

Kulanka waxaa furay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dastuurka isagoo ku soo dhaweeyay Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqda Aadanaha si loo dhageeysto talooyinkooda ku aadan xuquuqda aadanaha ee muhiimka u ah kulamo-howleedyada dastuurka ee maalmahanba ka socday Muqdisho.

Sidoo kale Madaxa Hay’adda UNDP ee Soomaaliya Joceyln Mason oo kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay kulamo-howleedyada looga arinsanayo arrimaha muhiimka u ah dhameeystirka dastuurka.

Dhanka kale, masuuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dib-u-heshiisiinta iyo Federaalka ayaa waxa ay ka qeybgalayaasha kulanka u soo jeediyeen xulashooyin ku saabsan noocyada qaab-dhismeedka ee dowladaha ku dhaqma nidaamka Federaalka.

ka qaybgalyaasha oo isugu jira masuuliyiin dowladda katirsan ayaa waxay muddo labo cisho ah ka doodi doonaan qaab-dhismeedka dowladda ee la halmaamla dib-u-eegista dastuurka.

Maamuladda Puntland iyo Jubbaland oo xubno ka ah dowladda federaalka ayaa dhaliilay qaabka loo wado howlaha dib-u-eegista dastuurka federaalka Soomaaliya.

ALLSANAAG.COM

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*