29th March 2024  admin  Category :

 

“أحذر الدول والشركات الأجنبية من مغبة الإعتداء على وحدة وسيادة الصومال ”

صرح بها الرئيس الصومالي محمد عبدالله فرماجو قبل قليل أمام مجلس النواب لصومالي .

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa uga digay dowladaha iyo shirkadaha shisheeye inay ku xudgudbaan Qaranimada Soomaaliya.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo  khudbad dastuuri ah ka jeediyay furitaanka kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka labada Gole ee Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo badan oo ay ka midtahay xaaladda dalka iyo horumarka ay dowladda ku talaabsatay.

“Waxaan uga digayaa in wadamada shisheeyee iyo shirkahada shisheeyee aysan ku xadgudbi karin Qaranimada Soomaaliya, waa dhab inaan xaalad adag ku jirno, waa dhab in dhaqaalaheenu ay tahay meel hoose, waa dhab in dad qaar aysan fahamsaneyn bixinta canshuurta, canshuur la’aan waa dowlad la’aan, waa dhab in hay’adaha amniga aysan ahayn sidii la rabay, intaas iyada oo na heysato, dadka Soomaaliyeed daruuf kasta oo ay ku jiraan waa dad ad adag, dadka Soomaaliyeed waa dad qiimeeya dadnimadooda iyo dowladnimadooda, hal taako oo ka mid ah dhulka Soomaalida inuu si xun ku baxo ma doonayaan” ayuu yiri Madaxweynaha dalka.

Madaxweynaha ayaa soo hadal qaaday socdaalkii Nabadda ee uu ku soo maray isaga iyo wafdi uu hogaaminayo Gobollada Nugaal, Bari, Mudug iyo Galgaduud oo uu sheegay inay tahay socdaal Nabadeed oo wax badan u qabsoomay, kuwaasi oo ay ugu horeeyaan arrimaha dib u heshiisiinta.

“Waxaan shaqo fiican ka qabanay oo aan ku guuleysanay inaan dib u heshiisiin dhab ah u sameyno, magaalooyinka Cadaado, Gaalkacyo, Xeraale iyo Dhuusamareeb, waxaa hada meel gabo gabo ah maraysa dib u hesiisiinta ka socoto magaalooyinka Belanbal iyo Guriceel, oo uu howshaasi si fiican u socota, waxaana garwadeyn ka ah Madaxa Golaha Wasiirada Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir.” ayuu Madaxxweynaha hadalkiisa ku daray.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Sida aad ogsoontihiin dowladdu waxa ay dalkooda dib ugu soo celisay maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada Dalalka Ethiopia, Hindiya, Jaziiradda Siishalis iyo Libiya, waxaan weli ka shaqeyneynaa inaan dalkooda dib ugu soo celino maxaabiista kale ee ku jirta xabsida dalka dibadiisa ah”

Madaxweynaha dalka mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa xusay in dowladda ay ka shaqeyneyso sidii ay dib u soo ceshan lahayd doorkii hogaamineed ee ay ku lahayd, waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay in maxkadda caalamiga ah ee cadaaladda uu Garsoore sare Cabdiqawi Axmed Yusuf ka noqdo guddomiyaha maxkamadda muddo 25 sano kaddib.

“Waxaan dhawaan dib u bilaabaynaa wadada hadaladii u dhexeysay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, taasi oo salka ku haysa sidii aan midnimada u wadaagi lahayn, dadka Soomaaliyeed waa dad Walaalo ah, wixii khilaaf ah waxaan ku dhameyn doonaa miiska wada hadalka” ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*