18th April 2024  admin  Category :

New York Times: Farmaajo waxaa Lagu Yaqaan Xukun Isku Dhejin iyo Isdaba-maris

Sida ay jimcihii maqaal ku qortay jariiradda afka dheer ee  New York Times, madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxaa inta aanu helin dhalashada Mareykanka uu horay u heystay baasaboor Canada ah iyada oo intaasi raacisay iney dhici karto inuu dhalashada Mareykanka uga laabtay si hantidiisa wax looga weydiiyo.

Sida ay jariiraddu sheegtay Farmaajo waxaa uu helay dhalashada Canada dhammaadkii sideetameeyadii qarnigii tagay, weli lama hubo inuu heysto iyo in kale, laakin waxaa la ogaan doonaa marka uu Villada banneeyo.

Isla warbixinta waxaa ku xusan in Farmaajo uu iska celiyey Baasaboorka Mareykanka 2019-kii kadib markii Mareykanka ay wax ka weydiiyeen hantida soo gasho.

Dhanka xukun isku dhejinta, warbixinta New York Times waxaa ku xusan in Farmaajo uu 2007-dii uu dagaal ka dhex dhacay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Buffalo sababo la xiriira inuu xukunka isku dhejiyey kolkii ay ka dhammaatay muddadii 2-bada sano ee madaxda u ahaa, waxaa kale oo eedeynta ku jirta wax isdaba marin.

Warbixintan lagu daabacay wargeyska ugu awoodda iyo afka dheer galbeedka, waxaa ay dunida tustay in Farmaajo uu Soomaaliya geliyey dagaallo isaga oo sameystay muddo kordhin, in xukunka isku dhejiyana uu taariikh u leeyahay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*