5th February 2023  admin  Category :

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Xeer Madaxweyne ugu magacaabay Maxamed Cabdullaahi Ciise (Dheere), oo kasoo jeeda Magaalada Burco beesha ISAAQ – HABAR-YOONIS inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Qaranka.

Maxamed Dheere ayaa xilligan Doorashada oo codka Dirta loo doonayo kusoo biirinaya maamulka Xafiiska Madaxweynaha \, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyay arrimaha siyaasadda Somaliland.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan ula shaqeyo, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyaddan culus ee loo igmaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore oo haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse Cali sidii xilkasnimada ahayd ee uu usoo hoggaamiyay Xafiiskan muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*