26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo oo isbaaro u dhigtay kulankii ay caawa ku balansanaayeen Musharixiinta iyo Madaxweynayaasha Galmudug iyo Hirshabeele

Caawa waxaa kulan ku balansanaa Madasha Musharixiinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha Galmudug Mudane Axmed Qoorqoor iyo Mudane Cali Guudlaawe laakiin kulankaas wuu baaqdey, daqiiqadihii u dambeeyay xiligii la balansanaa ayay Madaxweynayaashii la casumay ay sheegeen ineysan imaan karin kulanka.

Kadib waxaa la ogaadey in Madaxweyne Farmaajo uu Casho u sameeyay Qoorqoor, Laftagareen iyo Cali Guudlaawe Cashadaasoo lagusoo aadiyay saacadii ay la balan sanaayeen Madasha Musharixiinta.

Maalmahaan waxaa Muqdisho kusoo batay Isbaarooyinka uu Madaxweyne Farmaajo u dhiganayo kulamada Siyaasada.

Bishaan bilowgeedii ayaa Beesha Caalamku ku dhawaaqdey inay shir isugu keenayso Madaxda Soomaaliya Shirkasoo loo diyaariyey Teendhada Afisyooni, qabanqaabadii Shirka oo meeshii u dambaysa maraysa ayaa Madaxweyne Farmaajo uu isbaaro u dhigtay Shirkii.

Waxaa xigay Kulankii 5 Madaxweyne ee Puntland, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabeele iyo Jubbaland oo shalay duhuradii ka dhici lahaa Xalane, Kulankasoo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Caalamku, Madaxweyne Farmaajo ayaa kulankaaana isku dayay inuu isbaaro u dhigto, Laakiin Dagaal culus oo Beesha Caalamku la gashay kadib Isbaaradaas waa laga burburiyay Madaxwwynaha, shirkiina aakhirkii Xalay ayuu dhacay, inkastoo uu Madaxweynu warqad kadaba tuuray, uu leeyahay Madaxweyne Qoorqoor, Madaxweyne Guudlaawe iyo Madaxweyne Laftagareen Ergo ahaan Ayaan ugu diray Deni iyo Madoobe si ay ugasoo dhaadhiciyaan kasoo qaybgalka Shirka ka socda Afisyooni,

Caawa xaaladu waxay maraysaa inuu Madaxweyne Farmaajo uu isbaaro u dhigto kulankii Madasha Musharixiintu ay ku casumeen Madaxweyne Axmed Qoorqoor iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe.

Puntlandi.com Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*