19th May 2024  admin  Category :

Waa maxay sababta Madaxweyne Farmaajo uu uga aamusay, ugu hadli waayey, uuna uguna hambalyeen waayey 1000 Askari oo iyaga iyo qoysaskooda halis u geliyey midnimada Soomaaliya ,mar ay dhowaan ka soo goosteen maamulka Soomaaliya diidka ah ee khatarta ku ah midnimada Soomaaliya.

Halka qof ee ka soo jeeda koonfurta Soomaaliya marka uu ka soo goosto alshabaab, madaxda Soomaaliya ee ugu sareeyo Farmaajo waa buun buuniyaan,hadyado iyo lacag ayeey siiyaan,xilala ayeey u magcaabaan , qaarkoodna ay maanta hayaan xilalka ugu sareeya Sirdoonka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo haystay fursad uu uga hadlo Askartan Kunka kor u dhaaftay ay ee ka soo goostay maamulka Soomaaliya diidka ah munaasibaddii Ciida mar uu u khudbadeeneyey maleeshiyo beeleed laga soo qoray Koonf Soomaaliya ayaan soo hadalqaadin isaga oo islamarkas is qiiraysiinayer oo ka hadlayey midnimada iyo difaaca Soomaaliya.

Labo sano ka hor xasuuq ka dhacay Af urur ee buuraha Calmadow ,sidan oo kale ayaa madaxda dawladda Soomaaliya uga aamuseen.

Madaxweyne Farmaajo oo aan ka hadlin Askartan ka soo goostay Soomaaliya diidka,ayaa maalmo ka hor Xildhibaanka qoyskiisa walaalkiis u magcaabay Safiir

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*