26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo muxuu u diiday in raisal wasaarihiisu tago degmada Badhan uguna ogolaaday Caabud waaq.

Soomaali badan oo jecel midnimada Soomaaliyeed, aadna uga xumayd ugana caraysnayd casumaddii dawladda Kenya u fidisay jabahadda SNM ee doonaya inay dalka kala go’ayaan , ayaa waxay dawladda federaalka Soomaaliya ka codsadeen inay ka duqeeyaan halka qura oo ay ka damqadaan madaxda jabhaddaasi. Taas oo ah inaanay Soomalida waqooyi degtaa ayna ku wada socon gooni isutaaga ama Soomaaliya diidnimada.

Soomaalida midnimada jecel ee ka caraysanaa sida dal shisheeye u fududeenayo inay Soomaliya lakala qaybiyo, ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Garowe kula taliyey inuu booqasho ku tago qaybo ka mid gobolada Sool iyo Sanaag, gaar ahaan kuwa uu amnigoodu sugan yahay.

Sababta ayeey ku sheegeen in booqashada uu raisulwasaaraha ku tago gobolada Sool iyo Sanaag inay qarin karto casumaadda ay Kenya u fidisay jabhadka SNM , oo warbahinta Soomaaliyeed iyo tan caalamkuba ay xiiso gaar ah siin lahaayeen Booqashada Badhameed ama Taleex.

Sidoo kale Faysal Dhurwaa iyo kuwa aaminsan in beel Soomaaliyeed dal gaar ah yeelan karo kama sheekeeyeen ama ma buun buuniyeen Booqashada Biixi ee nairobi ee waxay warbaahinta la soo fariisan lahaayeen calaacal

Ugu danbayntii Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan su’aashii gobolada Sool iyo Sanaag markii la waydiiyey ku jawaabay ” kama jawaabi karo waa adag tahay inuu fahmo macnaha ka danbeeya in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu   u diro gobolada Sool iyo Sanaag, isaga oo xoojina midnimada Soomalaiya . Waxase ceeb ah inuu maalmo ka dib uu u diray Caabudwaaq una sii dhiibay lacag adag.

Allsanaag..com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*