29th January 2023  admin  Category :

Wasiirka maaliyada puntland Gudoomiyaha guddiga dib u habeynta ciidamada Dowladda Puntland Mudane Xasan Shire Cabdi oo ku guddo jira hawlihii shaqo ayaa maanta kormeeray dugsiga tababarka ciidamada GODOD oo tababar uu uga socdo cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca kuna yaala duleedka GAALKACYO.

Wasiir Xasan Shire oo sanadkii lasoo dhaafey shaqo adag ka qabtay dib u habeynta ciidamada dowladda Puntland waxaa kormeerkiisa maanta ku wehliyay masuuliyiin ay ka mid yihiin Taliye kuxigeenka ciidanka daraawiishta iyo Amaandulaha ciidamada difaaca PUNTLAND,waxayna salaan sharaf ka qaateen Cutubyo ka tirsan ciidamada daraawiishta oo tababar ugu jira dugsigaas GODOD.

Xasan Shire Cabdi Wasiirka Maaliyadda Dowladda PUNTLAND oo la hadlay ciidankaas ayaa u balanqaaday inay joogto u heli doonaan xuquuqdooda iyo mushaharkooda balse loo baahan yahay ciidamo amar qaata oo u shaqaynaya Dalka iyo Dadkooda.Kormeerka waftiga uu hogaaminayo Gudoomiyaha guddiga dib u habeynta ciidamada ahna Wasiirka Maaliyadda Dowladda Puntland wuxuu qeyb ka noqonayaa kormeero kale oo la filayo inay dhawaan ku tagaan xeryo kale oo tababaro uga socdaan cutubyo ka tirsan ciidamada difaaca,booliska,madaxtooyadda iyo asluubta.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*