26th July 2024  admin  Category :

Madaxweyne Farmaajo miyuu ka maarmay Reet Gareen ?

Sida aan la socono waxa Magaalada Baydhabo ee xarunta Maamul goboleedka Koonfur galbeed isku balansaday inay ku shiraan maamul goboleedyada Koonfur galbeed, Galmudug iyo Hirshabelle oo ay hadda Soomaalidu intooda badan u yaqaaniin “Reer Gareen”.

Maannta Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamee Cabdi Waare ayaa gaaray magaalada Baydhabo, halkaasoo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Madaxweynaha Koofur Galbeed C/casiis Lafta Gareen ayaa Madaxweynaha Hirshabelle iyo wafdigiisa ku soo dhoweeyay Garoonka Diyaaradaha Shaatigaduud.

Sidoo kale waxa la filayaa in maalinta berito uu halkaa soo gaaro Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor .

Intii uuna shirka reer Gareen ka Furmin magaalada Baydhabo oo aan la iclaamin Qodobadsa loga hadlayo shirkaas , ayaa maanta Villa Wardhiigleey waxay soo saartay war murtiyeed u muuqda in dil dilaac soo gaaray isbaahaysigii Reer Green oo madaxweyne Farmaajo markiki horeba ku awr kacsanayey.

War murtiyeedka ayaa loo fasiran karaa in Villa wardhiigleey leedahay “shira ama ha shirina maalinta Khamista isugu keen keena magaalada Muqdisho”.

Ugu danbaynta shirka lagu baaqay sadexda maamul goboleed oo Muqdisho ku sugnayn waxay mujinaysaa xanuunka uu madaxweye Farmaajo ka qaaday imaanshaha madaxweyne Deni ee magaalada Muqdisho iyo awoodda uu ku leeyahay siyaasiyiinta Somaaliyeed dhexdooda

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*