18th April 2024  admin  Category :

Yaa ku Guulaystay siyaasadda Soomaaliya ee maanta?

Lama oran karo cid gaar ah ayaa ku guulaysatay siyaasddii Soomaaliyeed ee laysku haystay , hase ahaatee waxa jira koox ay wax u siyaadeen, kuwa sugaya natiijada soo socota iyo Koox aan markii horeba aan herdanka siyaasadda ku jirin.

Hadaan Tusaale u soo qaadano maamul goboleedyada:

Siyasiyiinta ka soo jeeda Maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo gobolka Banaadir, waxay u muuqdaan kuwa ugu badan oo helay dhibcaha siyaasadda, ka dib markii ay guudahaan ay heshiiyeen, kuna heshiiyeen sharci iyo sharci daroba sidii ay Madaxweyne Farmaajo kursiga uga tuuri lahaayeen ,iyaga oo ku gabanaya Caasimadda Soomaaliya oo ay gaar isu siiyeen

Maamulka Puntland, markii hore lama garanayn waxay doonayeen, doodda qura oo ay sheegan jireen ama ay fagaarayasha la iman jireen ayaa waxay ahayd diidmada Gedo iyo wax u helidda Somaliland oo labadba ayna Faa’iido ugu jirin Bulshada reer Puntland. Laakiinse maanta waxay ku rajo weyn yihiin in kooxda hore ku guulaystaan Madaxweynaha oo qof ka soo jeeda Gaalkacayo iyo Garowe uu Ra’isulwasaare u magcaabaan.

Maamulka Koonfur galbeed oo isagu shaqeeya xilliyada Mooshinka ayaa siyaasiyiinta ka soo jeeda degaanadaas, sidii ayna dalka wax ku lahayn ka aamuseen arimaha ka socda Soomaaliya . Iyaga oo ku leh dawladda Federaalka Xildhibaano iyo wasiiro la mid ah labada kooxood ee hore, hase ahaatee maanta waxay u dhaqmayaan inay dalka Soomaaliya marti ku yihiin.

Maamulka Jubbaland, iyagu dood fiican oo caqli gal ah ayeey wataan, Soomaalida diidan Farmaajona ay aad u soo dhoweeynayaan taas oo ah arinta Gobolka Gedo, marka ay timaado Soomaali dhexdeeda in wax u siyaasadaan maahee wax ka lumi maayaan

Madaxweyne Farmaajo, maanta waxa u muuqdaa nin quus ah oo waqti laga lumiyey oo ay dabin u dhigeen la taliyaashiisu. Sidoo kale waxa tan weynaatay jacaylka ay tuseen Bulshada Soomaaliyeed oo ayna siyaasi kale horay ugu soo bandhigin, taasina waxay siisay kalsooni ah cid aan adiga ahayn kama soo bixi karaan Somaaliya. Waxa uu ilaaway in Soomaali dagaal sokeeye ka soo kabatay oo ilaa hadda xaafado xaafado loo degan yahay oo siyaasad ahaan lagu ixtiraami lahaa maamulkiisa, waana tan keentay marka la arkay inuu keli taagan yahay lagu soo dhiiraday sida maanta haysta. Arinta kale oo siyaasad ahaan ama hogaamiye ahaanba wiiqday waa arinta gobolka uu ka soo jeeday ee Gedo uu tixgelinta gaarka ah siiyey

Wax badan ayuu Farmaajo qaban lahaa sida maalintii uu Ra’sul wasaaraha uu magcaabay , haddii uu baarlamaanka ka codsan lahaa in waqtiga yar oo harsan dawladda uuna waxba qaban karin RW CUSUB ee muddo la siiyo. Ma dhicin arintan iyo kuwa kale oo badan oo uu wax ka qaban lahaa ayaa seegtay madaxweyne Farmaajo. Waan sababta ay rajadiisu maanta uga xun tahay sideed bilood ka hor, sidaas awgeed herdanka siyaasadda Soomaaliya ee maanta FARMAAJO saamayn kuma laha wuxuna muuqdaa mid aan haba yaraatee dhibco helin.

Ra’isul wasaare Rooble, ilaa hadda shirkii Garowe oo uu ka soo xanaaqay , kii Dhuusamareeb iyo kuwa huteelada Muqdisho ka socda howl fiican ayuu wadaa, isaga oo sida muuqata xor u ah howlaha uu wado, cadayn waxa kuu ah shirkii shalay ay ku qirteen dawladda federaalku inay Feb,19 denbiyo galeen.

Ugu danbayntii haddii cashar laga baran karo waxa ka socda Soomaaliya maanta ayaa waxay tahay in siyaasiyiinta Majeerteen ay Soomaalinimada iyo lahaanshaha Puntland ay kala weyn tahay siddii ay labada xil ee ugu sareeya Soomaaliya ay mid u heli lahaayeen, Hadhowna kuwii ay Jaranjarada ka dhigteen ugu faani lahaayeen.

Allsanaag.com

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*