27th July 2024  admin  Category :

SNM oo horay ugu abuurtay Buuraha gobolka Sanaag Argagixiso, ayaa hadda Mashiino waaweyn ugu soo iibsaday si ay u bililiqaystaan Khayraadka Gobolka.

Beesha Isaaq oo gaar isu siiyey magaalada Ceerigaabo oo la wada degan yahay, markii looga aamusayna uu damac ka galay degaano kale ayaa hadda ku dhiiraday inay la yimaadaan qalabkii ugu danbeeyey si ay u bililiqaystaan khayraadka buuraha ee gobolka Sanaag .

Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka SANAAG, waxa soo gaaray qalabkii lagu guran lahaa Dahabka, waana sababta deggaano badan oo ka mid ah malmahan danbe looga joogi la’yahay duulaanka SNM, oo ah jabhad ay beelaha Isaaq ku midaysan yihiin

Gobolka Sanaag oo ah goboka labaad ee ugu weyn sideed iyo tobonka gobol  ee dalka  Soomaaliya,  ayaa waxa ka been sheegay sida loo wada  degan yahay  maamulka SNM oo ay samaysteen beelaha Isaaq, iyaga oo ku marin habaabibnaya bulshada Caalamka

Gobolka Sanaag wuxuu ka kooban yahay shan  degmo oo kala ah:

Degmada Ceerigaabo, Degmada Ceelafweyn, Degmada Dhahar, degmada Badhan iyo degmada Laasqoray. Beesha isaaq waxay ka  degaan xaafad ka mid ah degmada Ceerigaabo iyo degmada Ceel Afweyn. Halka beesha Warsangeli ay degaan gobolka  degmooyinka Dhahar,Ceerigaabo, Laasqoray,  iyo Badhan. waxa kale oo jira magaaloyin la mid ah ama ka waaweyn degmooyinka Soomaaliya sida Xingalool, Buraan, Hadaaftimo, Yube iyo Ceelaayo. Waxa kale oo jira 40 Tuulo oo beesha Warsangeli ka degaan gobolka Sanaag  oo ay ka mid ayihiin Daara salaam,  Maraje, Cawsane, Mindigale, Ceel buh, Bali busle,  baraagaha qol,  Damala xagar,  Dhabar dalool , Biyo gudood, Shimbirale, carmale, Wardheer, Tooraboora, Cad cado, Dur duri, Gacan, Xabaal shaawacle, Ceel la helay, Beeraara, Xidid, Xamur, Ceel La Qoday, Gebi dheer, HarWeyn iyo Qoraxjiif.

Juqraafi ahaan mar haddi gobolka Sanaag yahay gobolka labaad ee Somaaliya ugu dhulka weyn, intee ayeey ka degaan beesha Isaaq?.

Xaafad ka mid ah Magaalada Ceerigaabo ilaa xeebta badda cas ee waqooyiga magaaladaas,   oo la mid ah inta ay isu jiraan Badhan iy Laasqoray waxa dega beesha isaaq.

Galbeedka Xaafdda Dayacan ee magaalada Ceerigaabo ilaa xadka gobolka Togdheer oo qiyaastii ah 55km waxa dega beesha Isaaq. Halka bartamaha magaalada Ceerigaabo ilaa duleedka magaalada Boosaaso oo ah xadka labada gobol ee Sanaag iyo Bari  ay degaan beesha Warsangeli, dhulkaas oo lagu qiyaaso baaxadda dhererkiisa  ku dhowaad 400km. Xeebta Badda Cas ilaa xadka  gobolka Nugaal oo qiyaastii ah 400 Km waxa dega beesha Warsangeli. Koonfurta magaalada Ceerigaabo ilaa xadka gobolka Sool waxa dega beesha Dhulbahante.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*