26th July 2024  admin  Category :

Xildhibaanada Dhulbahante ma sida Farmaajo iyo Khayre ayeey uga aamuseen Colaadda Dhiigu ku daadanayo ee gobolka Sool.

Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay tiro intaa ka badan way ku dhaawacmeen dagaal beeleed  u dhaxeeya beelaha Qayaad iyo Bahararsame oo ka dhacay deegaanka Dhumay ee koonfurta gobolka Sool

Dad ku dhow halka lagu dagaallamayo ayaa sheegay in dhinayacyada is haya ay gurmad kala helayaan degaanada kale ee labada beelood kala dagaan waxaana dagaalada ku jira maleeshiyaad ka mushahar qaata maamulka Somaliland oo iyagu dagaalka sii hurinaya

Dagaalkan ka socda gobolka Sool ayaa ilaa hadda waxaan ka hadlin madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Raisul wasaare Khayre ioo aan doonayn inay ka caraysiiyaan Maamulka Somaliland  iyo wasiirka ganacsiga Soomaaliya Maareeye,

Beesha Dhulbahante ayaa labada aqal ee Baarlamaanka  ku leh 10 Xildhibaan, iyaguna ilaa hadda kama ayna  hadlin dagaalka ka socda gobolka Sool.

Ra’isul wasaare Khayre inuu ka hadlo dagaalka ka socda gobolka Sool waxa uga fududu inuu xilka ka qaado wasiir ka soo jeeda gobolka Sool

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*