25th October 2024  admin  Category :

Ceebta Villa Soomaaliya Kasoo Socota Yaa Caymin Doona?

Dad Badan ayaa Mooda waxaan Ka hadlo in aaney xaqiiq ahay Waxaan idiin sheegayaa in. Madaxweyne Farmaajo in uu fikir ahaan aad u fogaadey sida TV aljazeer ugu Fogaaday hogaanka sacuudiga oo kale.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu aamin san yahay in Maxkamad la soo saaro dhamaan madaxdii Dowlad Gobaleedka ee ku shirtay Magaalada Garoowe.

Qodobadii kasoo baxay wuxuu u arkaa khiyaano Qaran, wuxuu Goddoomiyaha Madaxkamada sare ku amray inuu soo saaro Warqad hogaamiyaasha Goroowe ku shiray Sheegaysa inay Sameeyeen Danbi ah bur burinta Dawlada Faderaalka Xaalku halkaa ayuu marayaa.

103b2

Dawladaha shisheeye ee soomaaliya ku sugan sidee khilaafka u arkaa?

Dawladaha Jabuuti, Kenya, Ugandha. Koonfurta Sudan, waxay Taageero wayn u hayaan Madaxda maamul Gobaleedyada,

halka Dawladah Itoobiya, Eritrea Iyo Sudanta waqooyi ay Taageero wayn uhayaan Madaxda Villa Somalia ee Madaxweyne Farmaajo Hogaamiyo.

Siyaasada Waqtigan ee Soomaaliya waa Kongadii labaad ee africa, waxaa socda Tartar ka dhaxeeya dawlado badan oo shisheeye. Tartanka oo aan Qarsooneyn.

Xaalada Waqtiga ee Soomaaliya waa Dagaal ma hurto, waan nasiib daro.

Dagaalka waxaa lagu gali lacag shisheeye bixiyey waxa lagu dagaalami maaha Wax dan ugu jirto shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa cadaatey in dadka Soomaaliyeed 30 sano oo colaada waxba ka baran waa hada iyo colad cusub oo ah shisheeyahayga ayaa kaaga ka wanaagsen iyo anigaa kaasaxsan ee qasab igu maqal ,anigu musuq maasuq waan samayn karaa adiga masamayn kartid, aniga musharax waa taageeri karaa adiga ma taageeri kartid,

Angigu warbaahinta waa kugu eedeen karaa karaa adigu iguma ee deeyn kartid.

Waxaan Falanqeyn tayda ku soo Gaba-gabeeyey

Hadaba Qorshaha Madaxweyne Farmaajo ee aan idinla Wadaagay ee ah inuu Doonayo in Guddoomiyaha Maxkamadda Sare uu soo Saaro Waraaq uu ku Eedeeynayo Madaxda Dowlad Gobaleedyada Dumin Qaran,

Waxaa Bar bar socda Waraaqo loo diray Beesha Caalamka oo lagu Hor Istaagayo inay soo Fara-geliyaan Arrimaha Siyaasadeed ee Hadda Taagan

Arrimahan oo dhan waxaa ay lamid yihiin Kuwii horey u dhacay ee ahaa Weerarada iyo Dhiibista, ee lagula kacay Siyaasi C/rixmaan C/shakuur Warsame oo ahaa Siyaasi aan Hubeysnayn oo Fikir ahaan kasoo Hor-jeeday, Dhaliilana u Jeediyay Hab-dhaqanka Mdaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisulwasaare Kheyre,

Waxaa ka loo jiray in Senoter Cabdi Qeyb-diid oo illaa hadda aan la Ogeyn waxa lagu weeraray siyaasada ka danbaysay

Dhiibistii C/kariim Qalbi-dhagax ee Dowladda Itoobiya. oo wali dawladu khaladkaa dhacay aan ka raaligalin muwaadinkaa la dhibaateeyey.

Waxaa kaloo mar la isku dayey in xildhibaano xasaanada si sharciga ka fog looga qaado. oo qaar la magacaabo

Waxaa jira in Shirkada badan oo ajanabiya lacag badan lagu siiyey inaay la socdaa dhamaan isgaarsiinta ay Isticmaalaan dadka sigaarka ah kooxda villa soomaaliya rabto inay wax ka ogaato mucaarad nimadooda iyo dhaqdhaqaadood siyaasadeed ee muqdisho jooga

#Private Companies Are Helping African Governments Spy on Their Own People#

Waa dhaqan tada ka jira Qaarada africa oo dhan

103b

Soomaalidu Waxaa ay ku Maah-maahdaa “Kor Waayeel waa wada Indho”, caqliga Madaxwene Farmaajo iyo Raysal wasaare khayre waqtigan la joogo siyaasada ay aamin san yihiin maaha mid maslaxd u ah degenaashaha soomaaliya.

Waxaan filanaa waa Waraaq uu soo Saaro Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo uu ku Lee yahay waxaa beesha caalamka ka cod sanayaa Gaar ahaan

Golaha amaanka, AU, EU, IGAD, in Madaxda Dowlad Gobaleedyadu loo aqoonsado kuwa dhibaato ku yihiin Daganaashaha soomaaliya ee waa in safarada laga joojiyaa dagaal ooge loo aqoon sadaa.

Fikirkan waa Caqliga kooxda villa somalia xukunta. oo aan dib uraacin waxa soomaaliya hore u soomaray

Siyaasada shacabka soomaaliyeed ku dhaqmaan waa siyaasada Qabyaalada hadaad siyaasigooda ee dayso waxay moodayaan inaad Qabiil kooda eedaysay.

Waa in xaqiiqda la cabirikaraa hogaanka hal mar khaldama way adag tahay inuu hal mar isa saxo isagoo cadayn wixii khaladkii hore ku qasbay?

Waxaa diyaariyey Aqoonyahan Soomaaliyeed kana faallooda siyaasadda geeska Afrika, tan Soomaaliya iyo reer Galbeed, mudda 30 sano ahna ku soo dhex jiray siyaasadda Soomaaliya,

Danjire Maxamed Caalim.

Caalim68@hotmail.com

Telfoon: +358458712195

Helisink, Finland.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*