11th December 2024 admin Category :
Amin Caamir lacag la mid ah maamul goboleedyada ayuu Farmaajo iyo Federaalka ka qaataa, Lacagtaasina waa Hanti qaran oo umadda ka dhaxaysa,Hadaba soo lama gaarin xilligii Amiin Caamir isagana lagu dari lahaa qolyaha xisaab celinta soo samaynaya.
Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa dhowaan arin lagu farxay ku dhawaaqay isaga oo ka dalbaday in ay keenaan xisaab-celin ku aaddan “isticmaalka lacagaha dawladda dhexe ay u gudbiso dawlad goboleedyada”.
Arinta oo ay Soomaalida aad u soo dhowaysay, ayaa hadda qaar ka mid ah waxgaradka Puntland waxay sheegeen in arinta xisaab celintu ay qabyo tahay ilaa ilaa Amiin Caamir lagu soo daro Xisaab Celinta lacagaha uu Amiin caamir ka qaato farmaajo iyo Federaalka