19th May 2024  admin  Category :

Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa heshiiska difaac ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga, kaas oo uu baarlamaanka Soomaaliya ansixiyay toddobaadkii hore iyaga oo aan akhrin.

Heshiiskan oo ay Ankara ku kala saxiixdeen labada wasiir ee gaashaandhig ee Soomaaliya iyo Turkiga Cabdulkaadir Maxamed Nuur iyo Yaşar Güler 8-da bishii Febraayo ayaa lagu tilmaamay heshiis ‘‘difaac iyo iskaashi dhaqaale ah’’.

Waxaa la la xiriiriyay is-fahamka Hargeysa iyo Addis Ababa ay kala saxiixdeen iyada oo siyaasiyiin Soomaali ah iyo xubnaha baarlamaanka ba ku tilmaameen in heshiiskan in dowladda Turkiga ku difaaci doonto xeebaha Soomaaliya.

Sida Is-afgaradka la sixiixday bilowga bishii Janaayo uu dhigaayo, Itoobiya ayaa fursad u heli doonta in ay marin ka hesho Badda Cas iyadoo heli doonta bugcad 20km ah oo ku xiriirsan Itoobiya.

Heshiiska Muqdisho iyo Ankara ee degdegga ah

Wasiiradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa saxiixay heshiiska
Qoraalka sawirka,Wasiiradda Gaashaandhiga ee Soomaaliya iyo Turkiga ayaa saxiixay heshiiska

Heshiiska labada dhinac oo u muuqday mid lagu galay si deg deg ah kadib is-afgaradka Itoobiya iyo Jamhuuriyadda Iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland ayaa lagu sheegay inay dowladda Soomaaliya dalbatay isla bishii Janaayo sida uu baahiyay telefishinka AlJazeera iyo warbaahino kale.

Is-afgaradka ayaa Somaliland ku tilmaamtay in uu dhabaha u xaarayo aqoonsi ay ka hesho Addis Ababa.

Madaxweyne Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa la rumeysan yahay in uu bixiyay amarka ah in heshiiska si dhakhso leh loo diyaariyo isagoo hagitaanka siiyay Wasaaradda Difaaca Qaranka iyo tan Arrimaha Dibadda. Turkiga waxa uu xiriir dhow la leeyahay Itoobiya si la mid ah Soomaaliya.

Telefishinka Aljazeera ayaa baahiyay in heshiiska lagu diyaariyay laguna saxiixay muddo 10 berri gudahood ah.

Xoggo amni oo ka imanaya gudaha Ankara ayaa tilmaamaya in heshiishkan ayna keli ah soo dedejin arrinta Itoobiya iyo Somaliland, balse xiisadaha kale ee ka jira gobolka

Saraakiil Amni oo Ankara jooga ayaa u sheegay AlJazeera in haddii Xuutiyiintu gabi ahaanba xidhaan gacanka Bab Al-mandadb, dhibaatooyinku aad bay usii xumaan karto. wadamada waaweyna waxaa laga yaabaa in ay qaadaan tallaabooyin ay kaga hortagayaan xiisadaha kordhaya.

“waxayna isku dayi doonaan in ay gacanka guud ahaan gacanta ku dhigaan iyagoo gobolka farogelin rasmi ah ku samaynaya, taas oo ay ka dhallan karo xuduudo qariiradeed oo isbeddella, maangalnimada arrintana Meesha kama maqna,” ayay yiraahdeen saraakiil amni oo Turki ah.

Maxuu heshiisku ka koobanyahay?

Turkiga waxa uu hadda ku leeyahay gudaha Muqdisho xarun tababar oo weyn
Qoraalka sawirka,Turkiga waxa uu hadda ku leeyahay gudaha Muqdisho xarun tababar oo weyn

Heshiiska Difaaca iyo Iskaashiga Dhaqaalaha inta laga ogyahay waxuu dhigayaa in 10 sanno baddaha Soomaaliya ay ilaalin doonaan ciidamada Turkiga.

Waxaa kale oo uu dhigayaa ka faa’iidaysiga kheyraadka badda, qorsheynta iyo hirgelinta hawlgalada circa dhulka, iyo badda ee wadajirka ah, haddii loo baahdo difaac la xidhiidha ka faa’iidaysiga kheyradkaas.

Dhismaha maraakiibkta iyo hawgelinta dekadaha, samaynta habraacyada sharci eel agama maarmaanka ah arrimahan, midaynta sharciyada socdaalka badda ee labada dal, qaadida tallaabooyin hal dhinac ah iyo mid wadajir ah si loola dagaallamo dhammaan noocyada khatarta ee ka jira badda: sida budhcad badeeda, argagaxisada, kalluumaysiga sharci darrada ah iyo tahriibinta.

Dhisidda xarumo hal dhinac ah iyo mid wadaag iyo in la sameeyo goobo amni, bixinta taageerada tababarada, farsamada iyo qalabka ciidamada Soomaaliya. Samaynta iyo maareynta xarumaha amniga xeebaha.

Shirkadaha ka shaqayn doona hirgelinta heshiisyadan ayaa ogolaansho rasmi ah ka heli doona Turkiga iyo waxaana hada Soomaaliya iyo goobaha amaankeeda gabi ahaanba laga furi doonaa Ankara.

Heshiiska guud kadib waxaa lagu caddeyn doonaa hab-maamuus hoosaadyo.

Sababta ay Soomaaliya u doorbiday Turkiga

Diblumaasi ayaa aya ka faalooday sababta dal kale heshiis noocan ah aysan Soomaaliya ula gelin, isagoo dhahaya “Sanado badan, Soomaaliya waxay la daaladhacaysay colaado iyo dagaalo sokeeye, taas oo sababtay dhicitaanka dowladda, dagaaladaan intay socdeen wadamo badan iyo kuwa deriska ah ba waxay taageerayeen qayb colaadda kamid ah, taas oo sababtay in xaaladdu sii xumaato.

Dhanka kale Turkigu waxuu noqday mid si jogtay ah u xaqiijiya taageerada midnimada Soomaaliya iyo ka shaqayntiisa dowlad dhexe, waxuuna kasoo horjeedsaday madaxbannaani sheegadka Somaliland.

Madaxa Xarunta Istaraatijiyadda iyo Daraasaadka ee Afrika ee Istanbul Mustafa EFE, waxuu aaminsanyahay xidhiidhka ka dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya in uu leeyahay “Gundheeri taariikheed, labada wadana wadaagaan taariikh mid ah oo 381 sano, taas oo soo taxan tan iyo boqortooyadii Cusmaaniyiinta.

Qiimaha gargaarka bini’aadantinimo, dhaqaalaha iyo caawinta bulshada ay Ankara ugu deeqday Muqdisho waxuu gaadhayaa hal bilyan oo doolar, Turkiguna waxuu dhisay garoomo diyaaradeed, jidad, isbitaalo iyo dhismayaal dowladeed, waxaana jira kumaan arday Soomaaliyeed ah oo waxka barta Turkiga, sidaas darteed Turkigu waxuu ku leeyahay boos muhiimta quluubta Soomaalida.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*